DHEGEYSO: DF Somalia oo soo bandhigtay xog aan horay loo haynin oo ku saabsan xerada XALANE (Gar DF ku naqsan)

0

(Muqdisho) 24 Dis 2019 – Xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan shirkado iyo shaqaale badan oo ajnabi ah kuwaasi oo howlo kala duwan ka haya halkaasi.

Waxaa muddo badan shaki ku jiray tirada Shaqaalaha anaajibta ah ee ka howlgala gala gudaha xarunta Xalane iyo qaabka ay u shaqeeyaan, waxaana arrintaan ka jawaabay Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Ajaanibta ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdirisaaq Macallin Cilmi.

Agaasime Cabdirisaaq ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya la socoto shaqaalaha ku sugan Xerada Xalane iyo guud ahaan Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho shaqo ahaan u joogaan ajaanib badan oo tiradooda gaarayo ilaa 4670 Shakhsi oo u shaqeeyo shirkadaha iyo hey’ado kala duwan.

Agaasimaha ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyeen shaqada ka socoto Xalane iyo Shaqaalaha ku sugan isla markaasna ay ogaadeen waxyaabaha aysan horey uga war qabin, isagoo tilmaamay inay u gudbiyeen natiijada baaritaanka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyadoo dhawaan la filayo in lasoo saaro go’aamo.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay waxyaabo badan oo ku saabsan shaqaalaha ajaanibta ah ee ku sugan Xalane oo uu qaarkood sheegay inay si sharci ah ah uga shaqeeyaan Xeradaas.

HAL CILLAD OO JIRTA: Shisheeyaha deggan xerada Xalane ayaa ku doodaya in haddii ay kordhiyaan shaqaalaha Soomaalida aysan DF damaanad qaadi karin in aanay wax u dhimaynin amaanka, taasoo la doonayo inay DF marka hore ka baaraan degto kahor inta aan la keenin dood ku saabsan inuu shaqaaluhu Soomaali ama shisheeye yahay.

Waxaa kale oo jirta raasumaalka dadeed oo ku gaaban dalka, loona baahan yahay in shacabka loo sameeyo mug-dhisid buuxda, si ay awood ugu yeeshaan qabashada howlo kala duwan oo farsamo iyo aqoon u baahan, mana jirto siyaasad arrintaa laga dejiyay oo muuqata iyo shacab diyaar u ah ama ku baraarugsan baahidaa iyo sida loo xallin karo.

Halkan ka dhegeyso waraysi uu Agaasimuhu siiyay idaacadda VOA Somali.

Hadalsame Media