UEFA oo soo saartay kala sarraynta ABADIGA ee CL (Arag 30-ka naadi ee ugu natiijada fiican)

0

(Nyon) 24 Dis 2019 – Marka laga hadlayo kooxda Yurub, Real Madrid ayaa safka hore taagan iyadoo weliba ku fogaatey, waxayna dheeshey 50 dufcadood oo ah European Cup oo markii dambe loo rogey UEFA Champions League iyadoo 11 ka badan kooxda ugu soo dhow ee Benfica.

Real ayaa ciyaartay 437 ciyaarood, iyada oo 90 ka badan kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee Bayern München.

Haddaba UEFA ayaa soo saartay kala sarraynta abadiga ah ee tartanka UEFA, gaar ahaan 30-ka naadi ee ugu sarreeya.

Waxaa dhibcaha ay kooxuhu ku kala sarreeyaan lagu qiimeeyay 2 dhibcood oo guusha lagu helayo, 1 dhibic oo barbarraha loo xisaabay iyo sidoo kale natiijooyinka ka yimid ciyaaraha lagu daray waqtiga dheeraad ah.

Isla kooxda Real Madrid ayaa celcelis ahaan urursatay 2.22 gool ciyaartiiba – kaliya Bayern iyo Paris ayaa leh wax ka badan 2.00 marka la eego 30-ka sare.

Yeelkeede, waxaa jira kooxo celcelis fiican ka keenay dhanka goolasha laga dhaliyay sida Barcelona (0.96), Juventus (0.97) iyo Manchester United (0.95), halka Liverpool (0.89) ay tahay kooxda laga dhaliyay goolasha ugu yar abid, sidaa darteedna ugu difaac fiican.

Waxaa la yaab leh in AC Milan oo tan iyo 2013-kii ka maqan CL ay kaalinta 6-aad weli uga jirto kala sarreeynta natiijada ku dhisan ee CL, maadaama ay natiijooyin fiican horay uga keentay.

30-ka SARE ee CL (1955-2019)

Club Part Titles Pld W D L F A Pts
1. Real Madrid (ESP) 50 13 437 262 76 99 971 466 600
2. Bayern (GER) 36 5 347 201 72 74 705 347 474
3. Barcelona (ESP) 30 5 316 187 72 57 629 302 446
4. Manchester United (ENG) 28 3 279 154 66 59 506 264 374
5. Juventus (ITA) 34 2 277 140 69 68 439 268 349
6. AC Milan (ITA) 28 7 249 125 64 60 416 231 314
7. Liverpool (ENG) +2 24 6 215 121 47 47 406 192 289
8. Benfica (POR) -1 39 2 239 114 59 85 416 299 287
9. Porto (POR) -1 34 2 245 110 57 78 364 276 277
10. Ajax (NED) 36 4 227 102 62 84 356 251 266
11. Dynamo Kyiv (UKR) +1 36 0 233 97 52 84 333 283 246
12. Arsenal (ENG) -1 21 0 201 101 43 57 332 218 245
13. Celtic (SCO) 34 1 212 100 36 76 324 250 236
14. Internazionale (ITA) 21 3 178 86 47 45 255 177 219
15. Chelsea (ENG) 16 1 166 83 48 35 285 151 214
16. Anderlecht (BEL) 34 0 200 70 44 86 282 320 184
17. Atlético (ESP) +2 15 0 133 68 34 31 200 118 170
18. PSV (NED) -1 28 1 177 64 41 72 231 224 169
19. Dortmund (GER) +1 18 1 144 69 28 47 245 180 166
20. Rangers (SCO) -2 30 0 161 62 40 59 232 118 164
21. Lyon (FRA) 18 0 144 63 37 44 227 172 163
22. Crvena zvezda (SRB) +1 25 1 140 65 30 45 253 193 160
23. Galatasaray (TUR) -1 26 0 175 57 43 75 213 272 157
24. Olympiacos (GRE) +2 32 0 172 62 32 72 212 265 156
25. Valencia (ESP) +2 13 0 126 57 35 64 187 122 149
26. Rosenborg (NOR) +2 25 0 152 58 31 63 224 232 147
27. FCSB (ROU) -3 26 1 145 52 41 52 203 204 145
28. Panathinaikos (GRE) -3 28 0 157 49 45 63 182 214 143
29. Paris Saint-Germain (FRA) +1 13 0 110 60 22 28 222 126 142
30. GNK Dinamo (CRO) new entry 21 0 134 55 27 52 200 189 137
Real Madrid’s Croatian midfielder Luka Modric (C) celebrates with Real Madrid’s Spanish defender Alvaro Odriozola (L) after scoring their third goal during the UEFA Champions League Group A football match between Club Brugge and Real Madrid CF at the Jan Breydel Stadium in Bruges on December 11, 2019. (Photo by JOHN THYS / AFP) (Photo by JOHN THYS/AFP via Getty Images)

Hadalsame Media