Kenya oo ka shallaaysay murankii diblomaasiyadeed ee ay la gashay Somalia (Arag tirakoobkan cajiibka ah)

0

(Nairobi) 17 Dis 2019 – Tirakoob cusub ayaa muujinaya in dakhliga Kenya ay ka hesho badeecadaha loo dhoofiyo Somalia uu meeshii ugu hooseeysey muddo 5 sano ah gaarey bishii Sebtembar ee 2019-kii, goortaasoo ay meeshii uu sarreeysey mareeysey xiisad diblomaasiyadeed oo ay iskeed u kicisay Kenya.

Boqolleeyda badeecadaha ay Kenya u dhoofisay Somalia bishii Sebtembar, oo uu kaalinta koowaad kaga jiro Jaadku, ayaa sameeysay hoos u dhac gaaraya 93.5%, isagoo kusoo koobmay 647 milyan oo shillinka Kenya ah (6.3 milyan oo dollar).

Waxaa faqriga lagaga qiyaas qaadan karaa bishii ka horreeysey ee Agoosto oo uu dakhligu ahaa 1.25 bilyan oo Shilinka Kenya ah, taasoo ku dhowaanaysa 12 milyan oo doollar shillin, sida ka muuqata warbixin kasoo baxday Bankiga Dhexe ee Kenya (CBK).

Waxaa arrinta qayb ahaan wax laga saaray muranka Kenya iyo Somalia, maadaama ay magaalada Muqdisho kaligeed tahay suuqa ugu wayn ee ay Kenya ku leedahay Somalia, gaar ahaan Jaadka iyo waxyaabo kale.

Kimathi Munjuri, oo ah Guddoonka Iskaashatada Jaadleeyda Kenya ee Nyambene, ayaa xaqiijiyay in waloow arrinta ay sidoo kale lug ku leedahay isbeddel dhanka cimilada ah oo saameeyay beeraha Jaadka lafteeda, ay misna DF Somalia ay xaaladda ku adkaynaysay.

”Mararka qaar bay dhacaysey in dib nalookugu soo celiyo Jaad aan Somalia u dirnay, taasoo arrinta sii murjisey.” ayuu yiri Munjuri.

Hadalsame Media