Turkiga oo helay dokumentiyo qarsoodi ah oo uu Imaaraadku u diray Maraykanka (Maxaa ku qoran?!)

0

(Ankara) 17 Dis 2019 – Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inuu olole wayn ugu jiro sidii uu Maraykanku u cunaqabatayn lahaa dalka Turkiga, sida ku cad dokumentiyo ay heshay Wakaaladda Wararka Anadolu.

Warkan ayaa laga helay e-mail uu diray Charles Johnson, oo la shaqeeya hay’ad u ijaaran Imaaraadka oo kuwa qalqaalada sameeya ah, taasoo lagu magacaabo Akin Gump Strauss Hauer & Feld LLP.

Warqaddan ayaa lagu beegay xilli uu Aqalka Wakiillada ee Koongaraysku uu meel mariyay cunaqabatayn ka dhan ah Turkiga, taasoo ay usii gudbiyeen Aqalka Sare ee Senetka Waaxdiisa Xiriirka Caalamiga ah.

“Andrew & Matt – Waxaan ku hadlayaa magaca macmiilkayga, Safaaradda Imaaraadka Carabta, si aan hoosta uga xarriiqno cambaaraynta Imaaraadka ee dulmiga Turkigu ka gaysanayo Suuriya iyo taageeradeeda in cunaqabatayn la saaro Turkiga, sida midda uu hadda meel mariyay Aqalka Hoose,'” ayuu qoray Johnson.

Dowladaha ka jira Khaliijka ayay marar badan ku caddaatay inay ka shaqeeyaan qorshayaal ka dhan ah dunida Muslimka, sida hubaynta iyo maalgelinta kooxaha xag-jirka ah, taageerada xag-jirka kale ee Muslimiinta neceb ee ku nool Galbeedka, la dagaallanka baraarug iyo xorriyad fikri ah oo ka hana qaada dunida Muslimka, qaybinta isku dirka dalalka Muslimka iyo taageerada danaha gurracan ee ay Galbeedku ka leeyihiin dunida Muslimka.

Turkiga ayaa dhowr mar horay u qabtay sirdoonno Carbeed oo Imaaraati u badan oo howlo danohooda qaran ka dhan ah ka wadey Turkiga.

Imaaraadka ayaa sidoo kale foowdo ka wada dalal badan oo kale oo ay Somalia ku jirto.

Hadalsame Media