”Duqayga Doollar baa u duufiyay dalka Somalia” – Kenyan u naq raacay Somalia oo lagu dheggan yahay!!

0

(Nairobi) 17 Dis 2019 – Idris Wesonga wuxuu ka tegey guri uu ijaar ku degganaa oo ku yaalla magaalda Mumias, bishii hore ee Nofembar 11, 2019, isagoo sheegay inuu raadinayay shaqo Doollar lagu helayo.

Wesonga waxaa wehlinayay saaxiibkii Joseph Juma Odhiambo iyagoo u shiraacday dhanka dalka deriska ah ee Somalia iyagoo aan hubin waxa ay mudan karaan, sida ku dhigan Nation.

Xaaska Wesonga ee Jackline Bakola oo 3 carruur ah u dhashay ayaa isla Nation u sheegtay in ninkeeda oo ah darawal iyo dhagax-qore laga dhaadhiciyay in shaqaalaha dhismaha ka sameeya Somalia la siiyo mushahar Doollar ah, taasoo ay sheegtay inay nolosheeda wax wayn ka bedeli lahayd.

Yeelkeede, ninkeeda waxaa qabtay maamulka Somalia, waxaana loosoo gacan geliyay Kenya 18-kii Nofeembar, oo haatan ku oogtey eed ah inay u safrayeen ”dal ku suntan argagixisannimo” oo ah Somalia, sidaa darteed ay ku biiri rabeen kooxda Shabaab.

Hadalsame Media