”Waxaan wataa gaarigayga, waxaana marayaa wadada Maka Al Mukarama!” – Kaddib maxaa na dhex maray aniga & ASKARI ma nexe ah?!!

0

(Muqdisho) 12 Dis 2019 – Waxaan watay baabuur nooca raaxada, wadada Maka Al Mukarama, Isgoyska Dabka ayaan marayaa si dareen la’aana sababtuna waa jawiga maalinta oo aad iigu wanaagsan. igama qasna oo waan faraxsanahay dareen cabsina gabi ahaanba iguma jiro, laakiin waxaan filayn ayaa hortayda iiga muuqda.

Waa askari qoriga kusoo fiiqaya dhankayga uu i joojinayaa weliba si cadho leh, daaqada muraayada ayaan dejiyey si aan isku maqalno hadalkiisana waxaa ka muuqata cadho aad u daran, wuxuu leeyahay soo deg, intaas cay ayaa socota, intaan degayey iguma simin oo shaatiga intuu i qabtay ayuu xoog iiga soo saar baabuurka. Sarkaalka ka sareeya iyo ciidan kale ayaa meel halkana taagan oo ninka igu daawanaya.

Wuxuu i dhahay keen aqoonsi, igama sugine haddana degdeg ayuu ii dhahay dariiqan markaad soo maraysid ma adaa iska leh, haddana waa igu sii qayliyey oo dharbaaxo ayuu igu dhuftay, cid igala hadlaysa ma jirto, inta uu i kala tuuray ayaan dhulka ku dhacay, qoriga ayuu wadnaha iga saaray, naxdin iyo argagax weynaa! waan yaabanahay oo cid weli iga qabanaysa Askarigan ma jirto! intuu qorigii cabeeyey ayuu saddex xabo oo israaca riday, waan soo booday oo kor ayaan u soo kacay waxaanse farxay markaan arkay inaan sariirta saaranahay. Alxamdu.

Xamar sheekadan oo kale ayaa ka jirta nin walba wuxuu habeenkii ku riyoodo ayuu maalintii run kaaga dhigayaa saasna waxaad ku nacaysaa bulsho dhan oo riyo lagugu nacsiiyey.

Waxaa Qoray: Garaad Yaasiin H. Ismaaciil

Hadalsame Media