(Stockholm) 12 Dis 2019 – Bog Facebook ah oo ay ku qaxweeyaan taageerayaasha xisbiga cunsuriga ah ee SD ee dalka Sweden, ayaa halkaa si furan ugu wadaagey farriimo jirran oo halis ah.
Waxaa ka mid ah farriimohooda in masjidda la qarxiyo, in dalka laga nadiifiyo Muslimiinta, in la is hubeeyo, in la laayo dadka madoow, Turkiga oo la difaaco Sweden oo ay leeyihiin oo qura Swedish-ku.
”Waxay gubaan masaajidda. Marka annaguna waan gubi karnaa masaajidda – weliba xilliyada ay salaadda dukanayaan”, ayuu soo jeediyay mid ka mid ah oo taageera Sverigedemokraterna.
Waxaa lasoo qaatay muuqaalka Muslimiin ku dukanaya masjid ku yaalla Malmö mid baana ku qoray: “Waa xilligii aannu rasaas kala daali lahayn oo aan meesha nadiifin lahayn!”
Tuugsadayaasha, qaxootiga, Afghan-ka, Muslimiinta iyo madowgu waa bartilmaameedka noo calaamaysan. Dadkan ayaa aragtidooda si cad u daabaca.
”Toogo hal qof oo qaxooti ah, oo axsaan u samee dunida” ayuu qof kale qoray.
Katie Cohen oo ah khabiir dhanka cilmu nafsiga ah iyo daraasadeeye ka tirsan FOI ayaa sheegtay inay la yaabtay jiritaanka farriimo noocan ah, balse aan loo qaadan karin in qof kasta oo waxan qorayaa inuu cunfi gaysan karo ficil ahaa, balse waxay ka digtay inay jiri karaan dad run u qaadan kara farriimahan.
Halkan ka akhri farriimaha oo uu soo ururiyay Expo.
Hadalsame Media