Heshiis dhex maray DF Somalia & kooxda ASWJ (War Saxaafadeed)

0

(Dhuusamareeb) 12 Dis 2019 –  Waxaa soo baxaya in heshiis laga gaarey dood ka dhex jirtey Guddiga wada dhismaha maamulka Galmudug iyo kooxda ASWJ.

War rasmi ah oo kasoo baxay dhanka DF Somalia, ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaasi iminka la xalliyay, iyadoo la qanciyay kooxda ASWJ oo muddo dheer haysatey degmada Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Waxaa war saxaafadeed kasoo baxay dhanka DF Somalia ku cad in kooxdaasi lagula heshiiyay inay soo xulaan ilaa 20 xildhibaan oo ka mid 89-ka xildhibaan ee Baarlaman goboleedka Galmudug.

DF Somalia ma aanay faahfaahin qaabka xulitaanka loo raacayo in lagu salaynayo qaabka beelaha iyo in ay kooxdani si iskeed ah usoo xulanayso 20-kaa xubnood, taasoo ay dadku durba ka hadlayaan.

DF Somalia ayaa heshiiskan soo dhowaysey.

 

Hadalsame Media