”Maxay KALLUUN ka yaqaannaan!” – Hindiya oo qaab cilmi ah ugu malabsanaysa kalluunka dayacan ee Somalia (Doodaha ka socda jaamacadohooda)

0
Traders wait to sell their fish inside Mogadishu's fish market in the Xamar Weyne district of the Somali capital, in this handout photo taken March 16, 2013 by the African Union-United Nations Information Support Team (AU-UN IST) and released March 18, 2013. Picture taken March 16, 2013. REUTERS/Stuart Price/AU-UN IST PHOTO/Handout (SOMALIA - Tags: ANIMALS BUSINESS ENVIRONMENT FOOD SOCIETY) ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS. THIS PICTURE IS DISTRIBUTED EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS - RTR3F58K

(Kerala) 11 Dis 2019 – Kalluumaysatada Hindiya iyo Sri Lanka ayaa u haliilaya inay ka kalluumaystaan xeebaha Somalia oo ay sheegeen inay weli ”bikro yihiin, maadaama aysan Soomaalidu kalluunka jeclayn, maarana u haynin”, sida ay la tahay.

Prof A Ramachandran, oo wax ka dhiga Jaamacadda Kalluumaysiga iyo Culuunta Badwaynta ee Kerala University of Fisheries and Ocean Studies (KUFOS) oo ah khabiir aad loogu xushmeeyo dhanka badda ayaa sheegay in xeebaha Yaman iyo Somalia aan laga faa’iidaysan.

“Waxaa ugu wacan Soomaalida oo aan sidaa u xiisaynin kalluunka, gaar ahaan qaybtooda EEZ waxay taasi keentay in ay dad kale ka jillaabtaan xeebohooda aan weli la taaban sababo jira dartood,” ayuu ku dooday Prof Ramachandran oo u warramay The Pioneer.

Wuxuu soo jeediyay in maadaama aysan dalalkaasi kalluunka jeclayn ay taasi fursad u tahay kalluumaysatada Hindida ah, gaar ahaan ‘kuwa kasoo jeeda gobollada Tamil Nadu iyo Kerala, oo xirfad sare u leh sida looga kalluumaysto gobolladaasi kalluunku ka buuxo,” ayuu soo jeediyay.

”Waxa weliba naadir ka dhigaya xeebaha Somalia iyo Yemen waa inuu ka buuxo noocyo dunida aad looga jecel yahay sida tuna, aargoosato (lobster), sardine , mackerel, cuttle fish iyo gacalooyin kale oo aad looga doonayo suuqyada caalamka,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Somalia iyo Yemen aysan si buuxda ugu qalabaysnayn agabka looga kalluumaysto gunta hoose ee badda, isla markaana aanay lahayn kaabayaasha casriga ah ee lagu wershadeeyo ama lagu kaydiyo kaydka lasoo qabto.

Aragtidan sida caalamiga ah loo iibiyay ee ah inaysan ”Soomaalidu kalluunka jeclayn” ayaa qayb ahaan ah been laga badbadiyay, waloow ay wax ka jiraan.

Hadalsame Media