Denmark oo bilowday basas dadwayne oo iyagu is wadaya (Tijaabadii oo soconaysa)

0

(Aalborg) 11 Dis 2019 – Waxaa dalka Denmark si rasmi ah uga bilaabantay tijaabada bas otomaatig ah oo isagu is wadaya, kaasoo ka shaqa bilaabay Bariga magaalada Aalborg.

Baskan ayaa lagu barnaamijeeyay qaabkii uu ula macaamili lahaa dadyowga iyo gawaarida mareeysa jidadka, si loo badbaadiyo dadka iyo duunyada.

Waxaa mashruucan ka mas’uul ah Johan Larsen, oo ka wakiil ah Hay’adda Horumarinta iyo Kabka ee Hollo iyo Dowladda Hoose ee Aalborg.

”Waxaan baraynaa baskan sidii uu u adeegsan lahaa khariidadda caadiga ah. Tusaale ahaan marka uu la leexanayo ishaarada leexadka iyo halka uu aadayo,” ayuu yiri Larsen.

Baskan oo sidoo kale la baray inuu sharciga raaco iyo xitaa sidii uu u dhaqmi lahaa haddii ay khalad sameeyaan baabuurta kale ee ay dadku kaxaynayana, ayaa haatan la tijaabinayaa isagoo bilaa rakaab ah oo saacaddii ku socda xawaare aad u gaaban oo 5 KM ah.

Yeelkeede, marka uu tijaabada dhamaysto waxaa loo goyn doonaa inuu sacaaddii labadii maxaddo u kala socdo 10-18 km saacaddii, wuxuuna shaqo bilaabayaa Febraayo 2020.

Hadalsame Media