Nin dumaashidii oo aroos ah feer kala daaley ee weliba jaranjarada ku jiidey oo la xukumay + Sawirro

0

(Swansea) 10 Dis 2019 – Caruusad ayaa la feerey, intaana looguma simine inta taajka lagu dhegey ayaa dhowr jaranjaro jiidmo lagu marsiiyy, weliba waxa sidaa yeelayaa waa dumaashigeed oo sidoo kale malxiis ka ahaa arooskeeda, sida maxkamadda laga sheegay.

Tomos Rhydian Wilson, 29 jir, oo reer Swansea ah, ayaa la sheegay in uu arrintan ka sameeyay arooska walaalkii oo lagu qabtay Falcondale Hotel, Ceredigion, Wales, 27-kii Luulyo, isago weliba ku qaylinaya in walaalkii uu ku khaldanaa inuu gabadhan guursado,

Intii uu weerarku socdey, Wilson ayaa la sheegay inuu feer u dhiidhiibey Erin Mason-George, isagoo deetana marada taajka ku jiidey, sidoo kalena waxyeello gaarsiiyay laba gabdhood oo la dhalatay iyo hooyadeed, isagoo aflagaaddo u dhaamiyay dhamaanba dadkii martida ahaa ee arooska joogey.

Ninkan oo maanta la keenay maxkamadda Aberystwyt, garsooraha Degmada ee Gwyn Jones found Wilson, ayaa xukumay in ninkani gaystey 5 dembi oo waxyeello ah iyo laba burburin hantiyeed ah.

Wilson oo xilligaa cabsanaa ayaa sidoo kale lagu qoray inuu sameeyo 12-bilood oo adeeg bulsho ah iyo 240 saacadood oo shaqo lacag la’aan ah, sidoo kale waxaa lagu xukumay lacago fara badan oo magdhow ah.

Ninka dhibka gaystey…
Arooska
(Dhexda) Wiilka guursanayay ee walaalkii dhibka gaystey

Hadalsame Media