Ma ogatahay in Ozil uu si qarsoodi ah u quudiyo 100 kun oo carruur ah?! (Maxaa ku qoran warqad ay hooyadii ku dhejisey jikadiisa?)

0

(London) 10 Dis 2019 – Waxaa gidaarka jikada guriga malaayiinta geni ku fadhiya ee woqooyiga London ee Mezut Ozil suran warqad ay qortay hooyadii oo la geliyay gal qurux badan.

Mrs Gulizar Ozil lafteeda ayaa halkaa surtay in yar uun kaddib markii uu Arsenal usoo wareegey isagoo Real Madrid uga yimi £42.5milyan oo gini, 6 sano kahor.

Waxaa ku qoran: “Mesut, ha illaawin, in nolosha dunidan aad marti ku tahay, sida annaga kale oo dhan. Ilaahay wuxuu ku siiyay hibooyin gaar ah, balse kuuma siinin inaad kaligaa isku daryeesho.

“Haddii aadan hantidaada wax ka wadaajin dadka liita ee baahan, ma ihid wiilkayga.”

Taasi waxay sharaxaysaa sababta uu laacibkan oo Gunner todobaadkii ka dhufsada £350,000 oo gini uu ugu ololeeyo dadka baahan, jirran ama guryo la’aanta ah.

Waraysi uu siiyay SunSport, ayuu wakiilkiisa Jarmanka ah ee Dr Erkut Sogut oo sidoo kale qarreen iyo macallin ihi wuxuu daboolka ka qaaday howl uu qaab qarsoodi ah u wado laacibkan Muslimka ihi.

Isla maalintii guurkiisa qalanjadii Turkiga, Amine Gulse, xagaagii, wuxuu Ozil wacad ku maray inuu qalliinno u sameeyo 1,000 carruur ah oo danyar ah.

“Kaddib, wuxuu igu yiri: ”Waxaan doonayaa inaan ballaariyo oo aan ka dhigo 1,000 carruur ah, 1,000 carruur ahna aan qalliinno u sameeyno.”

Ozil ayaa la sheegay inuu si qarsoodi u quudiyo 100,000 oo carruur ah oo ku kala sugan 16 xero qaxooti oo ku firirsan Turkiga iyo Suuriya.

Ozil ayaysan tani ku cusbayn, waayo 2014-kii, wuxuu sadaqeeyay gebi ahaanba lacagtii uu ka helay Koobka Adduunka 2014 — about £240,000 — si loogu kharash gareeyo qalliinnada 23 carruur ah oo reer Brazil ah, isagoo u mariyay BigShoe Charity.

Ozil ayaa sidoo kale wuxuu haatan magaalada ay waalidkii kasoo jeedaan ee Devrek, ka dhisayaa 5 dabaq oo laga dhigayo akadamiye ay carruurtu ku dheelaan.

Hadalsame Media