Ma taqaannaa Raysal Wasaaraha ugu da’da yar adduunka? (Dalkee kasoo baxay?)

0

(Helsinki) 09 Dis 2019 – Xisbiga Social Democrats ee dalka Finland ayaa Wasiirkii hore ee Gaadiidka u doortay xilka RW dalkaasi iyadoo 34 jir ah, taasoo ka dhigay hoggaamiyihii abid ugu da’ yaraa ee xilkaa dunida ka qabta.

Sanna Marin ayaa cod yar ku heshay inay bedesho hoggaamiyaha tegeya ee Antti Rinne, kaasoo Talaadadii is casiley, kaddib markii uu waayay kalsoonidii xisbiga ay ologga yihiin ee Centre Party.

Gabadhan 34 jirka ah ee Marin waxay haatan noqonaysaa qofka ugu da’da yar ee caalamka iyadoo ka yar RW Ukraine ee Oleksiy Honcharuk, oo 35 jir ah.

RW hore ee Antti Rinne ayaa hoggaaminayey dowlad ka kooban 5 xisbi oo midig dhexe ah ilaa bishii Juun.

Hadalsame Media