”Somalia waxay horumar ka samaynaysaa la daggaallanka musuqa!” – Swan

0

(Muqdisho) 09 Dis 2019 – Ansixinta Xeerka ka dhanka ah musuqa iyo ka doodista xeerar kale oo keenaya dowladnimo daah furan oo Baarlamanka hor yaallla, waa tillaabo loo qaaday dhanka si wacan u maaraynta hantida dadwaynaha, sida uu qabo James Swan oo QM u qaabilsan Somalia.

Swan oo ka hadlayay Maalinta Caalamiga ah ee Musuqa, ayaa wuxuu hoosta ka xarriiqay in dadaallada Somalia ee abuurista nidaam iyo kala dambayn iyo dhismaha hay’aad lala xisaabtami karo ay tahay tillaabo amaan mudan.

Wuxuu sheegay in musuqu yahay caqabadda ugu wayn ee hor taagan horumarka, isla markaana wiiqaysa dowlad dhisidda, nabadda iyo dib u heshiisiinta Somalia.

“QM waxaa aad u dhiirri gelinaysa saxiixa Madaxwayne Mohamed Abdullahi ‘Farmaajo’ ee Xeerka La dagaallanka Musuqa iyo abuurista istaraatijiyad qaran oo lagula dagaallamo musuqa,” ayuu yiri Swan.

Hadalsame Media