WAR CUSUB: Iiraan oo sheegtay inay Israel tijaabisey gantaalo iyada ku callaqan!

0

(Hadalsame) 08 Dis 2019 – Xilli ay dunida is waydiinayso nooca uu yahay gantaal ay tijaabisey Israel, Tehraan ayaaa sheegaysa in ay Yuhuuddu gantey gantaal nooca nukliyeerka xambaari kara ah oo iyada ku fiiqnaa, kaasoo laga ridey saldhig cireed ku yaalla Palmachim Air Base, koonfurta caasimadda Tel Aviv.

Wasiir Dibadeedka Iiraan, Mohammad Javad Zarif ayaa mar uu Twitter-ka war kusoo qoray isagoo caro la qaacaya wuxuu reer Galbeedka ku eedeeyay inaysan marna cabasho ka keenin dalka qura ee ku yaalla Galbeedka Aasiya ee haysta hubka nukliyeerka, balse ay aalaaba ka daba qayliyaan xaqa ay Iiraan u leedahay inay is difaacdo.

Gantaalkan aan noociisa la garan ayaysan Yuhuuddu wax faahfaahin ah ka bixin noociisa, iyadoo ilaa iminka ka aamusan inay sharaxaad ka bixiso.

“Difaacu waxay tijaabiyeen gantaal nooca matoorka leh ah oo laga ganay bartamaha Israel, waxayna u dhacday sidii loogu tala galay,” ayaa loo qoray war si taxaddar leh loo erayeeyay oo aan wax xog ah oo badan aan bixinayn oo kasoo baxay Gaashaandhigga Yuhuudda.


Hadalsame Media