SALUUG: Maxaa ka khaldan sida loo wajahey sixitaanka siyaasiga CCW?

0

(Hadalsame) 08 Dis 2019 – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame khudbaddiisii waa laga sheegtay, sida uu sheegey na uma aanu badheedhin inay sidaa wax u dhacaan, wuxuu kaloo xusay in aanu beeninta Xadiiska Nebiga SCW u jeedin, waliba uu qirsan yahay in uu saxiix yahay.

Haddiise loo arkay si ka duwan sida uu u jeeday, waxa uu Ilaahay waydiistay dembi dhaaf, ummaddana waan ka raali gelinayaa ayuu yidhi.

Taasi waa qodob udhaxeeya isaga iyo Ilaaha qalbigiisa daalacanaya, Ilaaha wuxuu u jeeday og, ee uu hadda toobadda waydiisanayo. Wuxuuse ku mahadsanyahay biseylka, muujinta muslinamadiisa iyo siduu ugu faanay, shaki saarka iyo raali gelinta.

Waxaanse qabaa Cabdishakuur C. Warsame hadalkiisii la saluugay, haddiiba wax ka khaldanaayeen, in aan sixitaankiisii loo marin waddo saxan. Waa gaaloobay, waa Shiici iyo waa Cilmaani, intuba waxay ahayd ku talaxtag sii durugsan oo aan marnaba xal ahayn.

Waxaa iyaduna meesha oollin hanjabaadda Xasan D. Aweys iyo dhaartiisa dilka laga dhadhansan karo, isaga oo u xidhan dhimashada dad Soomaaliyeed oo muwaadiniin ah, kuma habboona meeqaamkaas, walina waxay ku tusaysaa sida aanu wadaadku isku beddelin, u qoomamaynay wixii ay gaysteen iyo khatarta uu ku yahay bulshada haddii uu xorriyadiisa helo.

Halkaa markay marayso, dowladdu iyada ayaa dadkeeda mid neceb/jecel, mucaarad/muxaafad dowlad u ah, Cabdiraxmaanna muwaadiniinta ayuu kamid yahay, xaq ayaanu ugu leeyahay in uu yidhaahdo (maxaad u cambaarayn waydeen?).

Haddii se dowladdu Cabdiraxmaan dembi u hayso, dembi ka xayuubinaya xuquuqdiisa, ama falal caddeyntooda wata (kama aanay daayeen haddii ku hayaane) waxaa ay dowladnimadu dhigaysaa, in lagu soo oogo dacwad. Laakiin mucaaradnimadiisu in ay xuquuqdiisa ka qaaddo maaha.

Waxaa iyaduna caddeyn u baahan islamarkaana aan meesha qaban, in culimada Soomaaliyeed lagu tilmaamo dad lasoo adeegsaday, iyagana (intii Cabdiraxmaan) isku soo raacay waxaa dhaaftay in ay gaar ula xidhiidhaan ugu yaraan oo saxaan haddii uu khaldanyahay.

Imaamu Shaafici wuxuu yidhi:
”?????? ??? ???? ??? ???? ???????,???? ? ????????. ?????? ??? ??????? ??? ????? ?????????, ???? ? ?????????.”

Dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ahi, way ka daaleen fikraddan ?????? ???? ???????????? ??, waana wax laga xumaado runtii, waxay kaloo ogyihiin, ku iimaan qabaan islamarkaana yaqiinsan yihiin in diintoodu tahay xalkooda kama dambayska ah, iyo in aanay qabin dhaqamada qaar, sidaa daraadeed ayaa uu codsigu noqonayaa in culimadu is afgartaan, heshiiyaan oo diintu waa mide mid noqdaan.

Anigoo aaminsan in Cabdiraxmaan lagu fogaaday, misana waxaan u qaadanayaa in ay uun wanaag tebin ka ahayd culimada, oo diin jacayl ka ahayd. Waxaan kaloo jeclaan lahaa, in marka dadka la laayo, oo dulmiyadu dhacaan, dadka la qarxiyo, hablaha la kufsado, madaxdu laaluushka la wareegto, dalka iyo madaxbannaanidiisa la farageliyo, in aad ka hadashaan sida tan oo kale.

Dhalinyarada diinta lagu dagaal galiyay ayaa u baahan in la saxo, kuwa masaajidda isku qarxinayaa ka weyn wax kasta, madaxda Al-shabaab ayaa u baahan in loosoo fadhiisto shaashadaha.

Mahadsanidiin.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media