Xasan Daahir wuxuu galay seddax ”dembi” oo waawayn!

0

(Muqdisho) 07 Dis 2019 – Xasan Dahir Aweys sadax arin oo ay ahayd in ciqaabtooda la marsiiyo ayuu sameeyay.

1 – Iyada oo dagaal culsus uu socdo ciidankiisii argagaxisada ay tarabuunka joogaan oo hoobiyaal ay soo rideen dad badan ku dhinteen nawaaxiga sarta shaqaalaha iyo KM4 ayaa wuxuu raadiyaha ka yiri dadka ha adkeystaan wax yar ayaa noo dhiman

2 – Waxaa la weydiiyay maxaad shacabka uga dhax rideysaan xabada? Wuxuu ku jawaabay kaluunka biyo la,aan ma noolaan karo anagana shacabka kama maarano

3 – Maalinkii uu xamar yimid ee doowladii Sheekh shariif la soo dhisay iyada oo shabaabku dhuumanayaan ayuu yiri tolkeeyoow ciidan iigu hiilaya maanta si aan ula dagaalo gaalada shariif hogaaminayo.

Iyada oo intaas ay jiraan ayuu wali faafinayaa fikirkii xumaa oo dad badan uu ku haligay.

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media