Itoobiya oo iyadoo aamusan isu diyaarinaysa sidii ay ku noqon lahayd awood caalami ah & Somalia oo ku eegaysa il daaf leh (Maxaa socda?)

0

(Hadalsame) 07 Dis 2019 – Ethiopia Nidaamkeedii maamul ee ‘ethnic federalism’ federaalkii qoomiyadaha ku dhisnaa ee 28 kii sano u danbeeyay ay kusoo dhaqmaysay wuu anfici waayay wayna ka guuraysaa waxayna qaadanaysaa waxay Afkeeda ugu yeedhay ‘Medhemer’ oo ah isku dar iyo midow hal xisbi iyo hal aragti oo wadaag ah.

Nidaamkii hore ee federaalka cirqiga ah (ethnic federalism) wuxuu aad u wiiqay isku xidhnaantii iyo awoodii guud ee wadanka wuxuuna keenay kala sarrayn qoomiyadeed, Itoobiya waxay rabtaa ugu yaraan inay noqoto awood heer gobol ah (regional power in East Africa).

Taana ku heli mayso qoomiyad Oromo ah ama mid Amxaaro iyo tigree ah oo kala socda, waxa kali ah ee ay ku heli kartaa waa wadan mid ah oo hal aragti leh, Aragtidan iyo Falsafadan siyaasadeed ee cusub waxaa wata Abiy Axmed, waana Hogaamiye aad u aaminsan Pan Ethiopinism ka.

Ruushku wuxuu sanadkii udanbeeyay itoobiya u balan qaaday electric nuclear inuu usamaynayo, sidoo kale China ayaa isna Dayax gacmeedkii u horeeyay ee ay yeelato u samaynayo.

Maraykanku meeshii uu u arko inay Itoobiya dhibaato kaga imaanayso wuu ka gufaynayaa nidaamkeeda dhan ee amni iyo sirdoona isagaa gacanta ku haya, waa kii bilo ka hor na madaxwaynaha maraykanku shir degdega dalkiisa ugu qabtay Masar, Suudaan iyo Itoobiya lagana wada hadlay biyo xidheenka wayn ee Abaay, halkaana lagusoo afjaray murankii ka dhexeeyay ee dhinaca biyaha wabiga Niil.

Ethiopia waa waddan sidaa loogu diyaarinayo inuu noqdo awood gobol iyo mid qaaradeed.

Macal asaf Soomaalida oo hal qoowmiyad ah, is bedelladaa iyo diyaargarowga intaa le’eg ee ka dhacaya mandiqaddan ay ku nooshahay lama arko wax qorshe ah oo ay wadato, qorshayaashaa socdana dhinac kagama jirto!

Waxaa Qoray: Xamsa Cawaale

Hadalsame Media