Ceebo badan oo caawa ka dhacay ciyaartii Derby Manchester + Sawirro

0

(Manchester) 07 Dis 2019 – Waxay kaamirooyinku qabteen taageere Manchester City ah oo dhawaqa daanyeerka samaynaya isagoo eegaya laacibka Manchester United ee Fred kulankii derby-ga ee ay 2-1 ku badisay kooxda United.

Ciyaartan oo ka dhacday Etihad Stadium ayaa la arkayay taageeraha oo sidii daanyeer u dhawaaqaya isagoo eegaya laacibka reer Brazil.

Sportsmail ayaa fahamsan in saraakiisha Man Utd ay arkeen kaddibna u gudbiyeen nidaamiyeyaasha garoonka oo iyaguna hoos ka wacay qaybta laga xukumo kaamirooyinka si wejigiisa loo garto, in yar kaddibna waa laga waayay meeshii, lama se oga inuu iska tegey iyo in garoonka laga saaray.

Dhanka kale, isla laacibka Manchester United dhexda uga dheela ee Fred ayaa wax lagu dhuftey intii ay socotey isla ciyaarta Manchester Derby ee Etihad Stadium.

Laacibka reer Brazil ayaa doonayay inuu soo qaado kubad laad gees ah mar ay ciyaartu saacad dhaaftay, waxaana dhacday inay taageerayaasha Manchester City ay ku orriyaan soona tuuryeeyaan iyadoo lala helay walax loo badinayo sigaar daar, waxaana la arkayay isagoo dhabarka xoqanaya.

Hadalsame Media