DEG DEG: Ninkii weeraray saldhigga Ciidamada Badda Maraykanka oo Sucuudiyaan noqday

0

(Pensacola, FLA) 06 Dis 2019 – Askari Sucuudiyaan ah oo tababar u joogey Maraykanka ayuu noqday ninkii weeraray saldhig ay Ciidamada Badda Maraykanku ku leeyihiin gobolka Florida, halkaas oo ay ku dhinteen 4 qofood oo uu ku jiro ninkii weerarka gaystey, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanku.

Saraakiisha oo u warramay Associated Press iyagoo aan magacooda sheegin, ayaa sheegay in ninka weerarka gaystey uu ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Cirka Sucuudiga (SAF), oo waxbarasho u joogey xerada.

Dowladda Sucuudigu waa in “wax u hagaajisaa” dhibbanayaasha toogashada Pensacola, Florida ayuu soo jeediyay Barasaabka Ron DeSantis oo hadlay.

Ninka ayaa rasaas huwiyay fasal wax lagu dhiganayay saaka subixii, waxaana dhaawacmay ugu yaraan 6 qofood oo loo qaaday Isbitaalka Ascension Sacred Heart Hospital Pensacola, sida uu sheegay afhayeen Mike Burke.

Donald Trump ayaa goor dhowayd sheegay in uu la hadlay Boqor Salmaan oo uga tacsiyeeyay dadka la laayay.


Hadalsame Media