DEG DEG: Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Cirka Maraykanka oo lagu kala cararay (Halis laga sheegay)

0

(Brevard County, FLA) 06 Dis 2019 – Kaddib weerarkii ka dhacay Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka, kaasoo ay ku dhinteen 4 qofood, waxaa iminka soo baxaya war kale oo dhiilla leh.

Waxaa halis bambo laga soo sheegayaa Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Cirka Maraykana (USAF) oo ku yaalla isla gobolka Florida.

Saldhiggan oo la yiraahdo Patrick Air Force Base, ayaa dadkii laga daad gureeyay iminka, iyadoo loo yeerey ciidamada amaanka, kuwa miina baarka iyo dab-damiska, sida ay sheegayaan isla Ciidamada saldhiggaasi.

War cusub oo hadda kasoo baxay isla Saldhigga ayaa lagu sheegay in kaddib markii ay Ciidamadii loo igmaday baareen la xaqiijiyay inaysan jirin wax halis ah oo ku dhex jirta saldhigga.


Wixii dheeraad ah nagala soco…

Hadalsame Media