DEG DEG: Leonel Messi oo markii 6-aad qaatay Ballon d’Or

0

(Paris) 02 Dis 2019 – Waxaa lasoo afjaray dufcaddii 64-aad ee billadda Ballon d’Or taasoo fiidkan bixinteeda lagu qabtay caasimadda caashaqa ee Paris, gaar ahaan Theatre du Chatelet.

Warar horay loo dusiyay ayaa tibaaxayay in uu abaalmarinta markiisii 6-aad qaatay jookarka Lionel Messi oo horay 5 jeer u hantay Ballon d’Or isagoo sidaa kaga sara maray daafacii cad caddaa ee Virgil van Dijk iyo jookarka Cristiano Ronaldo oo aanba isagu xafladda xaadirin.

Ha yeeshee, waxaa sidii lasii sheegayba markii 6-aad qaatay Leo Messi oo koobkan ka qatanaa tan iyo 2015-kii. Leo waa laacibkii ugu horreeyay ee taariikhda hanta 6 Ballon d’Or.

Waxaa kaalinta 2-aad galay daafaca Casaawayaasha iyo xulka Netherlands, Virgil van Dijk oo sanadkan ka mid ahaa raggii billada loo saadaalinayay.

3-aad – Cristiano Ronaldo

4-aad – Sadio Mane

Hadalsame Media