DEG DEG: Arsenal oo cayrisey macallinkeedii Unai Emery

0

Macallinkii Arsenal ee Unai Emery ayaa la eryey kaddib 7 kulan oo guul la’aan ah, sida uu goor dhow xaqiijiyay naadiga ka dheela Premier League.

Kooxda Gunners ayuu ka dhamaaday dulqaadkii Emery kaddib markii ay Khamiistii xalay gurigooda kala kulmeen guuldarro 2-1 ah oo dhanka Europa League ay kula dhufatay Eintracht Frankfurt.

Emery ayaa ka tegey Arsenal oo 8-aad uga jirta Premier League, 8 dhibcoodna ka hooseeysa boosaska Champions League.

Emery ayaa la eryey kaddib 18 bilood oo uu xilka hayey, isagoo bedeley Arsene Wenger oo bandhiggiisii ugu xumaa tan iyo 1992-kii sameeyay 2018-kii.

Gunners ayaan wax guul ah oo Premier League ah gaarin tan iyo bishii Oktoobar.

“Waxaannu wanaag iyo guul u rajaynaynaa Unai iyo kooxdiisa la shaqaysa.” ayay ugu laab qaboojisey kooxda Arsenal oo lagu wado inuu sii layliyo Freddie Djungberg.

Hadalsame Media