Haddii aad warka Sh. Keenyaawi diiddey bal arag Bayolojiga (Imisa ukumood ayay bishiiba khasaarisaa haweenaydu?)

0

(Hadalsame) 29 Nof 2019 – Waxaa baraha bulshada ka oogan dood ka dhalatay hadal uu sheegay Sheekh Keenyaawi oo ku saabsan in aanay guur micne leh helaynin haddii ay haweenaydu guur la’aan ku gaarto ilaa 40 iyadoo raadinaysa PhD, arrintan oo ay dood ka keeneen haween fara badan.

Bal aannu arrintaa bayoloji ahaan u eegno:

Si ka duwan ragga oo si joogto ah usoo saara manida, jirka dumarku ma sameeyn karo ugxanta. Ha yeeshee, haweenay kasta waxay ku dhalataa qiyaastii 700.000 ilaa 2 milyan oo ukumood (oocytes).

Bil kasta oo cimrigeeda ka mid ah ilaa ay ka gaarayso qaan-gaarka waxay bil kasta lumisaa 11,000 oo ukumood. Marka ay gaarto 13 sano waxaa usoo haraysa qiyaastii 300,000-400,000 oo ukumood, waxaana falgal u diyaar noqonaya wax ka yar 500 oo ukumood (ovulation).

Wixii qaangaarka ka dambeeya, waxay gabadhu bishiiba khasaarinaysaa 1,000 ukumood, taasoo ka madax bannaan isbedellada dhecaannada jirka, iyo wax kasta oo la xiriira dhalid iyo uuraysi.

Haweenaydu waxay noqonaysaa ma dhalays marka ay ukumuhu ka dhamaadaan, taasoo badiyaa dhacda marka ay gaarto ama u dhowdahay ama wax yar dhaafto da’da 40-jirka. Taasna waxaa soo raaca caado go’a (menopause), oo badiyaa timaado marka ay ku jirto kontomeeyada.

Imisa ukumood ayay gabadhu lumisaa bishiiba?

Waxaa dhacda inay dadku aaminsan yihiin inay haweenaydu bil kasta soo saarta hal ugxan oo la falgasha manida ninka oo sidaa ku biqisha, balse taasi run maaha. Sida sare ku xusan haweenaydu marka ay qaan-gaarto waxay bil kasta luminaysaa 1,000 ukumood, iyadoo ay biyaha ragga la falgasho halka ugxan oo meesha ugu xooggan (dominant follicle), taasoo caadiyan uu dhererkeedu gaarayo qiyaastii 22 milli mitir.

Sidaa darteed, Sheekh Keenyaawi cilmi maaddi ahaan xitaa warkiisu ma khaldana, balse meesha qura ee aanu si faahfaahsan oo ku filan u abbaarin waa inay dumarku waxna baran karaan qoysna yeelan karaan, haddii uu qofku kartideeda la yimaado.

Mid kale oo lafteeda ay dadka qaar ku dureen doodda wadaadka waa inaysan Somalia ahayn Japan iyo South Korea oo kale, oo aanay gabar PhD iyo mihnad raadinaysaa kaba ahayn wax umadda haatan fara ba’an ku haya, maadaama ay ay Somalia guud ahaanba aad ugu hooseeyso dhanka aqoonta iyo dhaqamada aqoonta lala xiriiriyo.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media