MUSUQ IDMAN: Kharashaadka CODADKA lagu kala gato & cidaha lagu quudin karo oo la isu qaybiyey!

0

(Hadalsame) 25 Nof 2019 – Sida lagu qoray warbixinta UN magaalada muqdisho wexey marti gelisaa in ka badan 500 kun oo qaxooti ah kuna jira 460 xero oo ku yaal magaalada, una badan xaafadaha Dayniile, Kaxda, Dharkaynley, Hodon, iyo xaafada kale.

Dadkaas soomaaliyeed 70% ilmuhu wax barasho ma helaan, duruufta ay ku noolyihiin waa duruuf adag xagga nolosha, hoyga, iyo caafimaadka. Dakhliga dadkaasu sida soomaali kale oo malaayiin ah wuxuu ka hooseeyaa khadka saboolnimada ee malinkii $1.90 (hal doollar iyo 90 centi) aaney heli karin.

Dhanka kale 3dii doorasho ee u dambaysey ee barlamaanka iyo xukuumadda federaalka, kuwa gobollada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed, waxaa ku baxday lacago laaluush, cod gadasho, mararka qaarkood hal cod oo xil dhibaan keliya gaarayey 40-50 kun oo doollar, celceliska $20,000,000 (labaatan milyan oo doolar) oo keliya hadaan kasoo qaadno, in kastoo hal meel keliya 10 milyan habeen qudha ku baxdo.

Wexey lacagta habeen ama labo codad lagu kala gatay quudin kartey: 35,000 qoys muddo lix bood ah, ama 200,000 ruux oo nafley ah, ama wexey iskuul ka bixin kartey sanad dugsiyeed dhan: 170,000 arday soomaali ah oo aan wax barasho haysan, wexey daryeel caafimaad siin kartey 100,000 qoys, wexey dhisi kartey guryo 2 qol iyo bersed ilaa 2000 guri.

Hayeeshee mudanaha siyaasigu si uu jagada qaran u gaaro, uguna dhaarto ilaalinta danta dadka, dalka iyo diinta, in lacagtaas la geliyo wey istaahishaa, xisaabtuna waa qiyaamaha iyo maalinka loo gar noqo dadkuu xilka ugu dhaartay!! Allow na caymi.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media