Madaxtooyada ma lug baa u aasan dhanka Doorashada Madaxtinnimada 2020?

0

(Hadalsame) 25 Nof 2019 – Afar sano oo kasta doorashada Soomaaliya, mid waliba wax uun bay ku dhaantaa middii ka horreysay.

Doorashadii 2004 ee Nairobi waxay soo kordhisay in Dowladdii Carta ee bulshada rayidka, duqeyda dhaqanka iyo nabad doon kale oo badani ay soo dhiseen in lagu daray Hoggaamiyayaashii kooxaha hubeysan ee awal qaaddacay.

Middii Xigtay ee 2009 ka dhacday Djibouti waxay soo kordhisay in Muqaawamadii dagaalka kula jirtay, madaxdeedii iyo in kale oo badan lagu soo daro Dowladda.

2012 waxaa lagu guuleystay in doorashada loo soo raro dalka Soomaaliya oo waxay ka dhacday caasimadda.

2017 waxaa la gaaray in Xildhibaan kasta 51 qof soo doorato, lana gaarsiiyo Caasimadda iyo shan Magaalo oo ah xarumaha ay Dowlad Goboleedyadu ku shaqeeyaan.

Waa hubaal in aan 2020 Soomaaliya laga hirgelin kari doonin doorasho qof iyo cod ah. Xor ah oo xalaala. Oo muwaaddin kastaa uu degaankiisa cod ka dhiibto, ka dib marka la tiro koobo.

Siyaasigii sheega in 2020 ay Soomaaliya ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah oo shuruudahaas wadata, waa mid u gefaya garaadka dadweynaha.

Amaba ka darane, waa mid maldahaya dan gurracan oo aanuu u fasiri karin bulshaweynta.

Aad ayaan u soo dhoweynayaa in doorashada 2020 laga sare mariyo hannaankii 2012.

Isku daygu ma xuma. Marka la isku afgarto qaabka ay doorashadu noqoneyso 2020, aan u helno magac aan ahayn qof iyo cod, maaddaama aanay noqon doonin qof iyo cod.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media