”Muqdisho lagama xigo qofkii Soomaali ah, meeshuu doono haka yimaadee” – Cumar Filish oo digniin diray

0

(Muqdisho) 25 Nof 2019 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md Cumar Filish ayaa naqdiyay dadkii maalin dhowayd is hor taagga ku sameeyay muxaadaradii uu garoonka Inj. Yariisoow ka jeedin lahaa Sheekh Umal oo ka mid ah ducaawadda Soomaaliyeed.

Md Cumar Filish ayaa sheegay in aan qof Soomaali ah laga xigin magaalada Muqdisho, xitaa haddii uusan ka iman gudaha xuduudaha loo aqoonsan yahay Somalia.

”Muqdisho waa u siman yihiin qofka ka yimaada Gaarisa, Jigjiga, Hargaysa, Jabuuti iyo midka iyada ku dhashay.” ayuu yiri Cumar Filish.

Cumar Filish ayaa sheegay inuu Sheekha yaqaanney ilaa waagii uu isagu (Filish) ahaa Wasiirkii Awqaafta iyo Diinta, isla markaana uu yahay nin uu ku yaqaanno wanaag iyo samafal.

Cumar Filish ayaa waloow uusan cidna gaar u carra baabin misna warkiisa laga dhadhansan karaa in aan la ogolaan doonin in qof iska yiraahdo ”hebel sidaa ma yeeli karo.”

Hadalsame Media