Sucuudiga & Imaaraadka oo iskood u burriyey go’doomintii Qadar (Dayuurado ay halkaa ku tageen)

0

(Dooxa) 25 Nof 2019 – Xulalka Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa ka degey magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar, maalin uun kahor bilowga dufcadda 24-aad ee Koobka Khaliijka Carabta oo lagu qabanayo dalka Qadar.

Xulka Qaranka Sucuudiga ayaa soo raacay dayuuradda dalkiisa ee Saudia Arabian Airlines iyagoo toos uga soo duulay dalka Sucuudiga, taasoo ka dhigan inuu iskii u burriyay go’doomintii uu kusoo rogey Qadar ee dhul, cir iyo badba ahayd.

Imaaraadka ayaa iyagu soo maray jidka Kuwayt, kaasoo ay sidoo kale marayeen dadka reer Qadar iyo kuwa halkaa deggan tan iyo Juun 2017-kii, maadaama aan dayuuradaha Qadar loo ogolayn hawada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Muuqaal lagu faafiyay warqaadka Peninsula Qatar ayaa muujinaya 23-ka laacib ee Sucuudiga oo si rasmi ah loogu soo dhowaynayo Gegada Hamad International Airport kahor intaan degaankoodu loogu gelbin bas wayn oo cagaar calankooda loo ekeaysiiyay lagu maluuqay.

Imaaraadka oo saacado yar ka lug dambeeyay Sucuudiga oo habeenkii Axadda isagu halkaa tegey goor dhowna ka degey madaarka Dooxa ayaa isna sidoo kale loosoo dhowee yay.

Xulka Qadar ee sanadkan hantay Koobka Aasiya ayaa markii ay Imaaraadka u dhoofayeen waxay mareen dalka Cumaan iyagoo deeto bas u raacay Imaaraadka.

Hadalsame Media