QIIMAHA AY TALADU LEEDAHAY! (Bal akhri waxa boqorkan qabsaday)

0

(Hadalsame) 24 Nof 2019 – Bahadur Shah Zafar, waxa uu ahaa boqor mucjiso ah, gabyaa caan ah iyo hoggaamiye muslim ah oo udub dhexaad u ahaa xiriirka wanaagsan ee dadka Hinduuga ah iyo Muslimiinta ka dhaxeeyay. Hadana si sibiq ah ayuu halmar ku lumiyey waxkasta oo gacantiisa ku jiray.

Taariikhyahanada darsay sooyaalkiisa ayaa sheega in waxa la haray boqorkaas ahayd la taliyaal aad u liitay oo garbihiisa si lama filaan ah ku yimid. Waxaa marin habaabiyey rag aan hal–abuur talo iyo mid fulin toona heli karin.

Waxa uu boqor u ahaa Hindiya, Pakistan, Bangladesh, iyo Afghanistan, oo aan markaas xad iyo xudduud u dhaxayn. Haddana halmar ayuu lumiyey, saldanadda uu boqorka u ahaa ee ‘‘Mughal Empire’’, oo talinaysay muddo 300 sano ka badan. Zafar, waxa uu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ka hor intaan xukunka laga tuurin sanadkii 1857-kii xiligaas oo hormuud ka noqday “Kacaankii Hindiya” ee Ingiriiska lagula dagaalamay.

Inta aan Ingiriisku madaxiisa minjo u rogin, ragii la shaqeynayey oo miidda boqortooyadiisa ahaa ayuu lumiyey. Ragga uu lumiyey waxay eersadeen lataliyaal isaga ka agdhow oo xin iyo xumeyn iskugu daray.

Ingiriiska oo intaas ka faa’idaysanaya ayaa la wareegay raguu lumiyey oo u badnaa dhaqan, hal–abuur, iyo taliyaal ciidan. Ugu dambeyn, isaga oo jeebeysan, ayuu ku dhintay magaalada Yangon ee dalka Myanmar, halkaas oo gumeystihii Ingiriiska ay geeyeen isaga oo maxbuus ah oo labo askari soo xirtay boqorkii qaaradda Aasiya, barkeed xukumayey.

Qiimaha taladu ku kacdo waa in aad xukun iyo taariikh weyn ku weydo haddii aysan meel mar ahayn. Dhanka kale, haddaad hesho talo wanaagsan oo dowlad dhis, dastuur ilaalin iyo ilaalinta dhiiga dadka taabanaysa waad guuleysan, taariikhna waad ka tagin.

Waxaa Diyaariyay: Mahad Geelle

Hadalsame Media