Turkiga oo dhistay markabkii ugu horreeyay ee dayuuradaha qaada (Goorta uu howlgelayo)

0

(Ankara) 23 Nof 2019 – Turkiga ayaa markii ugu waynaa ee ay iyagu dhiseen badaha soo gelinaya dhamaadka sanadka soo aaddan ee 2020, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

İsmail Demir, oo ah Guddoonka Wershadaha Ciidamada dalkaasi (SSB), ayaa sheegay in markabkan ujeedooyinka badan oo la yiraahdo TCG Anadolu, haatan lagu dhisayo khoorka Istanbul ee Sedef Shipyard.

Markabkan oo ah nooca dayuuradaha xambaara ayaa sidoo kale qaadi kara hal batalyan iyo saanadooda, isagoo aan saldhig dhuleed u baahanin.

TCG Anadolu, waxaa laga sameeyay agab gudaha lagu farsameeyay 68%, wuxuuna noqon doonaa mid ka mid ah maraakiibta ugu casrisan dunida, isagoo si xiriir ah u socon kara 9,000 mayl (14,500 km) isagoo aan shidaal qaadan.

Dhererkiisu waa 232 mitir, 32 mitir oo ballac ah iyo 55 mitiri oo joog ah, wuxuuna dhan yahay 27,000 oo tan, dhanka magagaga.

Markabkan oo dhismihiisa la bilaabay 2016-kii, ayaa lagu wadaa in ay la wareegaan Ciidamada Badda Turkigu 2020.

Hadalsame Media