Odaygii Almaas Elman oo xaaskiisa ku macasalaameeyay farriin QALBIGA taabanaysa!!

0

(Hadalsame) 23 Nof 2019 – Zakariye A Xersi oo ah wiilkii qabay Allaha u naxariisto Almas Elman ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray erayadan.

“Inna lillahi wa inna ilayhi raji’un, maalin Arbaco ah, waxaan waayay jaceylkii nolosheyda, saaxiibkii iigu wanaagsanaa.

”Waxaan waayay xaaskeyga iyo cunug aan weli ii dhalan. Labo sano ka hor waxaad qabatay wajigeyga markii aan aqalgalnay, maanta waxaan dhinaca kuu dhigay qabriga adigoo meyd ah.

”Qalbigeyga wuu jabay, waan ilmeyn doonaa mustaqbalka, waxaan ku faraxsanahay noloshii aan kula soo qaatay iyo xasuusihii hore.

”Nolosheyda ayaad dhameystirtay, waxaan kuu rajeynayaa in Jannada meesha ugu sareysa aad gasho, nolosha aakhirana aan ku midowno.

”Waxaad laheyd asxaab ku jecel, balse qalbiyadooda ayaad ku hari doontaa.

”Geeridaadu waa cadaalad xumo, kii sameeyay wuu aayi doonaa, wanaagii aad ka tagtay ayaa hari doona.

”Waan ku jeclahay abid Almas”.

Tarjume: Fu’aad Xaaji Cabdiwali

Hadalsame Media