Wasiirrada Malaysia oo dakhligooda dadwaynaha usoo bandhigay & waxa uu dalkeennu kaga dayan karo!

0

(Kuala Lampur) 23 Nof 2019 – Golaha Wasiirada Malaysia waxa ay markii 2-aad Warbaahinta & Dadweynaha hortooda kusoo bandhigeen hantida Wasiir kasta u keydsan Guri, Gaari & Lacag qasnada qaaska ah ugu keydsan.

Wasiir kasta waxa uu saxaafada la wadaagay cadeymo muujinaya dakhliga bil kasta soo gala & rasiidyada ay ku baxaan.

Waxaa ugu yaab badnaa Maxammed Ketapi oo ah Wasiirka Dalxiiska, Farshaxanka & Dhaqanka hantidiisa waa 9,388 Ringgit oo u dhiganta $2,374 (Labo kun, saddex boqol, todobaatan & afar doolar). Wasiir Ketapi waxa uu ka dhashay qoys danyar se isagu waa aqoonyahan 18bilood uu xilka hayay Bilicda & Dalxiiska Dalka Malaysia wax muuqda ayuu kusoo kordhiyay.

Xilka loo magacaabay fursad isaga ugaar ah oo uu ka faaideysto hantina ka tabco uma uusan arkin e dantiisa gaar ka ah ayuu ka doortay danta guud. Qoyskiisa waxa ay degan yihiin guryaha dadka danyarta ah ee ay dowladu caawiso, caruurtiisa waxa ay dhigtaan iskoolaadka dowliga ah, xaaskiisa & isagu waxa ay kala wataan taleefano Tooshle & Qoslaaye, waxa uu isticmaalaa gaadiidka dadweynaha.

DULUCDA SHEEKADA: February 30, 2017 Madaxweyne Farmaajo marki la caleema saaray ee uu soo magacaabay Raisalwasaare Kheyrre qormo dheer oo aan ugu magac daray “DAAHFURNAAN” ayaan ku qoray sanduuq aan ku lahaa barta Blogger oo marki dambe lambar sirreedka aan ku isticmaali jiray iga lumay.

Muhiimadda qormadaasi waxa ay ahayd Madaxweyne Farmaajo & Raisalwasaare Kheyrre inta aysan howsha qaran ee hortaala guda gelin inay dadweynaha usoo bandhigeen hantida ay gaarka u leeyihiin; arimaha aan u sababeeyayna waxaa ugu muhiimsanaa:- Inay ku kasbadaan kalsoonida shacabka oo aan hadhoow loo tuhmin in Hantida qaranka & tii qaaska ahayd isku milmeen.

Kalsooni ayaan ku qabaa daacadnimada Madaxweynaha & Raisalwasaaraha waan hubaa inuusan damac ka galeynin hantida ummada LAAKIIN “war dowlo waraaq ayuu ku yaalaa”.

Waxaa Diyaariyey: Libaan Cabdi

Hadalsame Media