DAAWO: ”Sigaarka ma cabtaa?!” – Arag sida uu noqday SAMBABKA nin 30 sano sigaarka cabayay + Sawirro

0

(Jiangsu) 20 Nof 2019 – Waxaa soo daahiray muuqaallo naxdin leh oo muujinaya sambabbo ay madoobeeysey maadada taarku, taasoo ay sabab u tahay nin 30 sanadood si xiriir ah sigaarka u cabayay.

Sambabbadan ayaa halkii ay casuus ka ahaan lahaayeen sidii caadada ahayd, waxay lasoo bexeen madoow dhuxul ah, kaddib markii uu sanado badan gubayay qaaca sii dhexmaraya ee tubaakada.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Wuxi People ee Jiangsu, China, ayaa sambabadan soo saaray kaddib markii uu xijaabtey 52-jirkii ay ku yaalleen samababbadan.

Muuqaal uu duubay dhakhtarkii qalliinka sameeyay ayaa waxaa daawaday 25 milyan oo qof oo ka helay baraha bulshada, iyadoo ay qaarkood ku tilmaameen ‘iidhehdii ugu wanaagsanayd abid ee sigaarka lagula dagaallamayo’.

Muuqaalka oo uu isbitaalku soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu qoray kabshan u dhigan: ‘Weli ma leedahay geesinnimo aad sigaar kusii cabtid?’

Hadalsame Media