DAAWO: Duuliyihii wadey dayuuraddii Malaysian Airlines oo la ogaadey inuu KAS u ridey dayuuraddaasi (Sida wax u dheceen min bilow ilaa dhamaad)

0

(Kuala Lumpur) 20 Nof 2019 – Baarayaasha shilalka cirka ayaa haatan gaarey go’aan ay ku sheegayaan in ay xalliyeen hal-xiraalaha duullimaadkii MH370, oo ahayd dayuurad ay lahayd Malaysian Airlines taasoo siddey 239 qof, balse la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Dayuuradda ayaa kasoo duushay Kuala Lumpur iyadoo ku jeedde Beijing bishii Maarso 2014, balse marna jihadaa uma muraadin oo markii uu macasalaameeyay hawada dalkiisa, wuxuu qaab dhuumasho ah dib ugu soo celiyey dayuuraddii.

Warar haatan soo baxayay ayaa ayaa sheegaya in dayuuraddaasi, uu si ula kac ah u ridey duuliyihii 1-aad Kabtan Zaharie Ahmad Shah kaasoo kas u damiyay gaaskii ogsijiinta ahaa ee ay cabayeen rakaabka dayuuradda, taasoo keentay inay wada suuxaan.

Waxaa kale oo fikraddan lagu taageeray in duuliyuhu aanu marna dalbanin inuu deg deg u dego iyo inuu weliba dib usoo celiyey dayuuradda isagoo isku ilaalinaya xadka Thailand iyo Malaysia si aanay u arag raadeerradu ama haddii ay arkaan ay iskugu halleeyaan maadaama uu si sagsaag ah marba meel uga soo baxayo, waloow ay dayacaad sameeyeen raadeerrada ciidamada oo ah kuwa qura ee iminka laga helay raadka dayuuradda, kuwaasoo aan isku dayin inay dayuuradda waydiiyaan waxa khaldan maadaama ay dib u noqotay 180 digrii.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in markii uu dul marayey magaaladii uu ku dhashay ee Penang “salaan diyaaradeed u saaray” taasoo ah inuu laba jeer qalloociyay ama jiifiyey garabka dayuuradda, kahor intii aanu u jihaysan Badwaynta Hindiya oo uu 6 saacadood dul haadayey ilaa uu ku tuuro markii ay shidaal goosatay.

Dayuuraddan oo ahayd nooca waawayn ee Boeing 777 ayaa ku dhacday Bartamaha Badwaynta Hindiya, waxaana barnaamij ka sameeyay 60 Minutes Australia.

Hadalsame Media