XOG: Maxaa kasoo baxay kulan ka dhacay Madaxtooyada Garoowe oo looga hadlay arrinta Boosaaso?

0

(Garoowe) 14 Nof 2019 – Warsidaha maxalliga ah ee PuntlandTimes ayaa qoray in uu dhacay kulan gaar ah oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Puntland, oo uu shir gudoomiyey Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo looga hadlay xaaladda magaalada Boosaaso oo ay shalay galeen ciidamo katirsan kuwa dawladda oo gadoodsan iyo ciidamo beeleedyo.

Kulankan ayaa dhexmaray Siciid Deni, Odayaal dhaqan iyo waxgarad ugu tagay sidii xal looga gaari lahaa xiisadda magaalada Boosaaso.

Warsidaha PuntlandTimes ayaa ogaaday in Madaxweynaha Puntland ku adkeystay in marka koowaad ciidamada magaalada galay laga soo saaro, dib loogu celiyo saldhigyadoodii, markaas ka dib laga wada hadlo waxyaabaha keenay tabashooyinka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aan loo baahneyn in ammaanka waxyeelo loo geysto,isagoo ku celiyey in ay muhiim tahay in la dhawro nidaamka dawladnimada ee la wada ilaashado.

Odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalay kulankaas ayaa u sheegay warsidaha Puntlandtimes in ay Xukuumaddu u muujisay sida ay uga xun tahay ficilada dhacay, sidaas oo kale ay u sheegeen Madaxweynaha Puntland sida ay muhiimka u tahay in wadajir loo xaliyo tabashooyinka keenay caqabadaha oo ay tahay in la baajiyo wax kasta oo xaalada uga sii dari kara.

Saacad ka dib markii uu dhamaaday kulankaas Odayaasha iyo Madaxweynaha dhexmaray, ka dib waxaa dhacay kulan kale oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo laamaha Ammaanka, gaar ahaana saraakiisha ciidamada qaarkood oo hadda ku wajahan magaalada Boosaaso.

Saraakiisha ka qeybgashay kulankan qaarkood oo ka gaabsaday magacyadooda ayaa u sheegay warsidaha PuntlandTimes in amar lagu siiyey in ay tagaan magaalada Boosaaso, oo ay qeyb ka noqdaan howlgalada ammaanka ee magaalada iyo saldhigyada gobalka Barri, gaar ahaana deegaanka Kalabeyr oo laftirkiisa ay ka jirto xaalad hubanti la’aan ah, markii ay ciidamo gadooday hubkii yaalay qaateen.

Taliyayaasha ciidamada Daraawiishta qaarkood oo kusugnaa deegaanada gobalka Sool ee ay isku horfadhiyaan Puntland & Somaliland ayaa laga qaaday oo loo daad-gureeyey magaalada Boosaaso, Goobjooge kusugan magaalada Qardho ayaa sheegay in aroornimadii hore ee saaka ay dhaafeen gaadid badan oo dagaal.

Xukuumadda ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay ciidamadii ugu badnaa u daabushay magaalada xeebta ku taalla ee Boosaaso oo ah isha dhaqaale ugu weyn Puntland, waxayna halkaasi gaareen qaarkood xalay oo ay ka bilaabeen howlgalo ammaan.

Odayaasha dhaqanka ee Boosaaso ayaa aad uga shaqeynaya sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalada, waxaana socda dadaal ku wajahan sidii ciidamada soo galay magaalada looga saari lahaa.

Wasiirka Amniga ee Puntland, maamulka degmada & kan gobalka Barri ayay kala hadleen in loo baahan yahay in ammaanka la sugo, oo laga hortago ficil kasta oo xaaladda taagan uga sii daraya, waxayna codsadeen in dadaalka dawladdu noqdo nabadoon.

Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Xarago ayaa sheegay in ay nabadda Boosaaso muhiim u tahay Puntland oo dhan ayna waajib tahay in laga wada shaqeey, mar uu xalay la hadlay warsidaha Puntlandtimes, wuxuuna bogaadiyey cid kasta oo door wanaagsan ka qaadanaysa.

Hadalsame Media