”Waxaa laguu soo dhexmarayaa siyaasi caraysan & Maamul-goboleed dabada kula jira dal shisheeye!” – MW Farmaajo

0

(Nairobi) 13 Nof 2019 – MW Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dadwayne kula hadlay Safaaradda Somalia ee Nairobi ayaa kala hadlay arrimihii ugu dambeeyay ee dalka.

Wuxuu sheegay inay markii ugu horreeysey mudadii burburka kaddib ay ku guulaysteen inay meesha ka saaraan caqabaddii ahayd Madaxwayne iyo Raysal Wasaare coltamaya oo is cayrsanaya, sidoo kalena ay Baarlamanka isla garteen inay noqdaan laba hay’adood oo wada shaqeeya. Ha yeeshee caqabadduhu intaa kuma harin.

”Dalku maadaama uu qalalaase siyaasadeed kusoo jirey, 4 sano kasta siyaasiyiin hor leh ayaa imanayay kuwii horena ma tegeynin, haddii aad maagto 10-30 kasoo bixi, kun ayaa meesha taagan, idaacadaha hor taagan, Facebook-yada hor taagan, oo kulligood shaqa doon ah, shaqada ay rabaanna waa wax ay yaqaannaan oo ay soo dhadhamiyeen, waxay is leeyihiin waa laguu yeeri doonaa, qaar baa qaylinaya qaarna dowladda ayay lugaha ku dheggan yihiin, si loo yiraahdo ”hebel waa qaylinayaaye halloo yeero!” ayuu yiri MW Farmaajo.

Wuxuu intaa ku daray in dhanka kale ay yihiin Maamul-goboleedyada oo loo adeegsanayo duminta danaha dalka, kuwaasoo ay gadaal ka taagan yihiin dalalka deriska ah oo dalkii dano siyaasadeed ku leh. ”Waxaa hadda kuwaas kusoo biiray dalalka Khaliijka” ayuu raaciyay, isagoo sheegay inay waxaas oo dhan la tacaalayaan.

Hadalsame Media