Turkiga oo samaystay hub nooc cusub ah oo ATAM ku shaqeeya (Bartilmaameedyada uu burburin karo)

0

(Ankara) 13 Nof 2019 – Madaxwaynaha Wershadaha Difaaca (SSB) İsmail Demir ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Xoogga Turkiga (TSK) lagu wareejiyay ilaa 10 xabbo oo ay hubka culus ee is rida ee daafaca cirka ee Korkut oo uu sameeyay Turkigu.

Demir ayaa u sheegay Anadolu Agency in 10-ka haatan la siiyay ciidamada ay tirada guud ee hubkan ka dhigayso, kuwaasoo ay soo saartay Aselsan.

Farsamaynta hubkan oo ay 2016 isla saxiixdeen SSB iyo Aselsan si loo sameeyo hub qayb ka noqda awoodda daafac cireed ee Turkiga ayaa qaybta 1-aad la dhamaystiray Maarso 2019.

Korkut ayaa awood u leh inuu daqiiqaddii rido 1,100 wareeg oo rasaas ah, wuxuuna burburin karaa roketka oo uu uga hor tegayo 4 KM meel ka fog inta aysan dhulka ku dhicin, haddii uu soo dhaafo oo aysan arkin daroonka ciidamadu.

Wuxuu sidoo kale Korkut adeegsanayaa rasaas Atom ah, taasoo ah 35-millimeter nooca rasaasta sii kala qaybsanta (particle ammunition) oo ay samaysay isla Aselsan.

Ciidamada ayaa hubkan iskaga daafici kara halisaha cireed ee soo jireenka ah sida dayuuradaha, helikabtarrada, gantaalaha cir ku dhulka ah, kuwa Cruise-ka iyo dayuuradaha aan la wadin ee Daroonka.

Hadalsame Media