Muqdisho oo ay ka dhacday QISO muujinaysa isbeddel dadka ku dhacay! (Fadlan akhri)

0

(Muqdisho) 13 Nof 2019 – Waxaan rabaa inaan idiinla wadaago qiso yar oo maanta (shalay) Muqdisho ka dhacday.

Shimbir ayaa baalkeeda geed ku dhagay kaddib waxaa u suura geli waayay in ay duusho, waxaa meesha isugu soo baxay dad badan oo mid walbaa uu raadinayo xalkii shibirtaas lagu bad-baadin lahaa.

Waxaa nagu xirmay wadadii aan ku soconay oo isla markiiba saxmad ayaa abuurantay, ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in shimbirka lasoo badbaadiyo kadibna ay baalasheeda ay dib ugu duusho.

Markii aan goobta imid iyadoo buuqa uu sii jiro ayaan dadkii weydiiyay maxaa meesha ka jira, runtii markii la iisheegay waxaa maskaxdeyda kusoo dhacay sida ay dadka Xamar ku nool isusoo badalayaan dhanka nabada iyo wada-noolaanshaha, mar hadii laga fakarayo sidii xayawaanka duula loo bad-baadin lahaa.

Waxaa Diyaariyay: Siciid Nabadoon

Hadalsame Media