Taliyaha Ciidamada Asluubta oo lagu cambaareeyay ”kelmado takoor ah” oo kasoo baxay (Dad ku baaqay in xilka laga xayuubiyo)

0

(Muqdisho) 12 Nof 2019 – Ururro ka tirsan kuwa u dooda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Somalia ayaa aad u cambaareeyay wax ay ku tilmaameen ‘hadla takoor ah’ oo kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Asluubta ee Somalia.

War kasoo baxay Somali Disability Network (SODEN) ayaa lagu sheegay inay ka niyad jabeen haddalka Jeneraal Mahad Abdirahman Aden kaasoo la maqlayay isagoo si taxaddar la’aan ah uga hadlaya dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo uu ku yiri ”ha shubeen looma baahnee!”

Ururkan ayaa sheegay inay xushmad darro tahay in qaabkaa looga hadlo dadkan oo ay qaarkood xubnohooda ku waayeen iyagoo qaranka u shaqaynaya waxayna dowladda ugu baaqeen in ay tillaabo qaaddo, gaar ahaan madaxda sare.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa soo jeediyay in taliyaha guud ahaanba xilka laga xayuubiyo, maadaama uu muujiyay inuusan lahayn mug iyo mas’uuliyad uu ku qaado xilka loo dhiibey.

Hadalsame Media