DHEGEYSO: Shaqo la’aan ku dhici doonta DARAWALLADA Sweden (Sabab yaab leh)

0

(Stockholm) 12 Nof 2019 – Ku dhowaad toddobaatan boqolkiiba shaqooyinka darawalnimo ee gaadiidka qaada dadka iyo alaabooyinka ayay dhici kartaa in la waayo ama ay ka baxaan suuqa shaqo, kolka ay xaqiiqo noqoto farsamada gaadiidka iyaga is kaxeeya, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxay ururka shairkadleeyda gaadiidka.

Balse sidoo kale, shaqooyin cusub oo hor leh ayaa iyaguna la heli doonaa.

– Gaadiidka iyagu is kaxeeya waxay suuragal ka dhigi doonaan hab cusub oo masaafooyiin fog lagu gaaro middaasi oo imminka suuragal u ahayn gaadiidka dadka iyo alaabooyinka, ayuu yiri Mats Lewan, oo ah suxufi wax ka qora arrimaha tiknooloojiyada, ahna sidoo kale cilmi baare arrimaha mustaqbalka oo soo qoray warbixintan.

– Isla dhanka kale, waxaa loo baahan doonaa dad ama xirfad kale sida tusaale ahaan la socodka iyo hagista fog ee gaadiidka, ayuu yiri Mats Lewin.

Sida warbixinta lagu sheegay waxaa boqolkiiba toddobaatan hoos u dhici doonta baahida loo qabo wadayaasha gaadiidka dadka iyo alaabooyinka tobanka sano ee soo socda balse  Mats Lewin ayaa sheegay in ay adag tahay in laga hadlo sida farsamadan cusub ee gaadiidka is kaxeeya ay u soo deg degi doonto.

Waxuuna intaasi ku daray in loo baahan yahay in la tartiibsado si ugu yaraan looga fogaado kahataro iyo dhibaatooyin xagga nabadgelyada ah.

Waxaa qeybo ka mid ah dunida imminka ka jira shirkado tagaasiga iyagu is kaxeeya tusaale ahaan dalka Mareykanka. Dalka Jarmalka ayaa iyana waxaa ka socda barnaamij helikobtaro tagaasi aah oo iyaga is kaxeynayan. Magaaladda Stockholm iyana waxaa ka socda mashruuc khad bas isagu is kaxeynaya iyada oo kuwa kalana la qorsheynayo.

Shaqooyinka la weyn doono ayaa waxaa bedelaya kuwo cusub oo fara badan balse taasi qudheyda ayaa adag in laga hadlo.

Hase yeeshee mihnadaha cusub ayaa u baahan doono hab waxbarasho aad u sarreysa oo la mid noqon karta sida waxbarashada kuwa haga diyaaradaha.

Caj Louma waxaa madaxa qeybta xirfada ee shirkadda gaadiidka, waxuuna sheegay in ay muhiim tahay wadahadal u dhaxeeya waxbarashada iyo waxsoosaarka wershadaha iyo ganacsiga.

– Haddii aad maanta eegtid iskuulada, waxaad arkeysaa in tayada ay soo saaraan ay la jaan qaadeysaa wadahadal si wanaagsan u shaqeynaya oo la xiriira wax soo saarka wershadaha iyo ganacsiga ee halka ay ku yaallaan iskuulada, ayuu yiri Caj Louma.

Xigasho: Radio Sweden

Hadalsame Media