Arag sida ay QURBA-JOOGTU u dhaqmaan marka ay dibedda joogaan oo barbar dhig marka ay dalkooda joogaan!

0

(Hadalsame) 11 Nof 2019 – Waxaad qaxootinimo ku aaddaysaan waddamada reer galbeedka idinka oo dhowrayo sharciga halkaas looga dhaqmo, dhulka kuma tuuraysaan sigaarka dabadiisa mana ku cabbaysaan goobaha caamka ah ee dadku iskuugu yimaado in ay tahay meel sigaarka loo gaar yeelay mooyee, waxaad niyad ahaan dareentaan nabad taasi oo idin gaarsiisay xittaa heer haddii ay bisad ama mukulaal wax ka xaddo daaqadihiina hortooda aad durbadiiba wacdaan Boliiska.

Waxaad xirataan suunka badbaadada marka aad gawaarida ama baabuurta saaran tihiin idinka oo fadhiga qeybtiisa dambe ku adkeeyo carruurtiina, saf dheer ayaad si nidaam ah u istaagtaan xitaa haddii uu gaarayo masaafo ahaan hal kiiloo mitir, intaas kadib goorta aad dhalashada wadamada reer galbeedka qaadataan waxa aad doorataan hoggaamiye wanaagsan oo idin matalo idinka oo baaritaan weyn ku sameeyo taariikhdiisa hore iyo shaqada uu qabto.

Haddaba haddii intaan oo ficil ah aad si dhab ah ugu dabbaali laheydeen waddankiina hooyo, dambiilayaashu ma ahaadeen madaxda dalka ma na aysan dhaceen hantida guud ee uu qaranku leeyahay.

Mahmoud Darwish oo ahaa Qoraa iyo Gabyaa u dhashay Reer Falastiin Alle ha u naxariisto ayaa hadalkan yiri.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media