”Dhereg buu u dhintay!” – Nin dhintay kaddib markii uu cunay 42 ukumood oo uu SHARAD ku galay!

0

(Jaunpur) 07 Nof 2019 – Nin ayaa dhintay kaddib markii uu isku dayay inuu cuno 50 ukumood, kaddib markii uu sidaa kula sharatamay nin saaxiibkii ah.

Labada nin ayaa booqanayay agagaarka suuqa Bibiganj oo ku yaalla degmada Jaunpur oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh markii ay arrin ku murmeen, sida uu booliisku sheegay.

Kaddib waxay dhigteen sharad dhan Rs2,000 oo rubi (£22 gini) iyagoo ku sharatamay koodii hor cuna 50 ukumood, weliba hal fadhi.

Booliiska ayaa sheegay in Subhash Yada uu ukuntii 42-aad marayay markii uu sara joogga ka dhacay isagoo miir daboolan.

42-jirkan ayaa isbitaalka loola cararay, balse waa dhintay saacado yar kaddib.

Dhakhaatiirta ayaa fahamsan in Mr Yada uu dhereg u dhintay (overeating), sida lagu faafiyay Indo-Asian News Service, balse qoyskiisa ayaa ka gaabsaday.

Bishii Agoosto ee sanadkan, Dana Hutchings ayaa geeriyoodey kaddib markii uu saxday oo uu deeto miis hor yaalley madaxa ku dhufsaday, isagoo ka qayb gelayay tartan lagu cunayay cuntada TACO-da gobolka California.

Hadalsame Media