Qadar oo Somalia ku daraysa shabakadda Satellite-keeda (Heshiis dhacay)

0

(Dooxa) 01 Okt 2019 – Shir doceed ku dhinac socdey Shirka IT-ga iyo Bandhigga ee Qadar lagu qabtay (Qitcom 2019), Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Qadar Jassim Seif Ahmed al-Sulaiti iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Somalia, Abdi Ashur Hassan ayaa kala saxiixday heshiis muhim ah.

Heshiiskan ay Qadar iyo Somalia kala saxiixdeen oo uu dhanka Qadar qalinka ugu aasay Madaxa Maamulka Sharciyaynta Isgaarsiinta Mohamed Ali al-Mannai iyo Wasiir Abdi Ashur Hassan ayay qadar ku ogolaatay in ay Somalia ku darto eeryada ay gaarto shabakadda satellite-keedu. Somalia ayaa sidaas oo kale yeeli doonta haddii ay mustaqbalka satellite yeelato.

Waxaa kale oo ay labada dal ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiyada dhanka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda (ICT services).

Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa Danjiraha Somalia u jooga dalka Qadar, Abdul Razak Farah.

Hadalsame Media