Uganda oo ciidamo hor leh u daabulaysa dalka Somalia (Halka ay degayaan & noocooda)

0

(Muqdisho) 01 Nof 2019 – Uganda ayaa qorshaynaysa inay ciidamo hor leh oo booliis ah u dirto dalka Somalia, si ay qayb uga noqdaan Booliiska AMISOM, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare.

Grace Turyagumanawe, oo ah maareeyaha taageerada nabadda ee Ciidamada Booliiska Uganda, ayaa sheegtay in Kampala ay ka shaqaynayso inay ciidamo kale u dirto Somalia.

“Is diyaarintii ayaa socota si aannu arrintan hubaal uga dhigno. Waxaana ka shaqaynaynaa inaan helo agabka loo baahan yahay,” ayay tiri mar ay Muqdisho kula kulantay Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka Guddoonka Midowga Afrika ugu qaybsan Somalia.

Turyagumanawe, oo Somalia u tagtay inay hubiso agabka ciidanka ay dirayaan iyo daryeelkooda, ayaa warkan shalay uga dhawaaqday Muqdisho, gaar ahaan halka ay ciidankani degayaan oo ah xerada Jazeera Forward Operating Base ee bannaanka Muqdisho.

Marka la eego qorshaha kala guurka, waxaa Booliiska AMISOM saaran mas’uuliyad ah hubinta in la diyaariyo Booliiska Somalia oo si buuxda ugu qalabaysan inay la wareegaan amaanka dalka marka ay AMISOM guurto 2021.

Hadalsame Media