”Yaa ku amray inaad alaab cusub iisoo gaddo!” – Arag anshaxii uu ciidamada ku abaabin jirey Jen. Daa’uud (AUN)

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2019 – Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde” Alle ha u naxariistee markii uu qabtay talada Soomaaliya Sannadkii 1960-kii shaqooyinkii ugu horeeyey ee ay qabatay xukuumadii uu hogaaminayey waxaa ka mid ahaa Aasaasida Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, iyadoo waqtigaas Taliyahii ugu horeeyay ee ciidankaas loo magacaabey uu noqday Allaha u naxariistee Jenaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi kaas oo isaguna markiiba guda galey yagleelida iyo dhidibo u aasida ciidanka xooga dalka.

Waxyaabaha taariikhda ay qoreyso ee ay ka marag kaceen saraakiishii ugu horeysay ee lagu aas-aasey ciidanka xooga dalka soomaaliyeed badankood waxaa ka mid ah in Jenaraal Daa’uud uu ahaa nin Ahlu diin ah,Naxariis badan, Daacad ah, Wadani Soomaalinimadu ku weyn tahay ah taas oo markiiba u suura gelisay bilowgiiba inuu ciidanka dhismahiisa si wanaagsan isugu habeeyo.

Arimaha kale ee Jenaraal Daa’uud lagu bartay waxaa ka mid ahaa inuu ahaa nin aad u neceb musuq maasuqa lana dagaalama.

Intii uu ahaa taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaa uu dhexda u xirtey sidii Soomaaliya ay u yeelan laheyd ciidan dhinac kasta ka dhisan oo noqda mid ay ku ledaan ama ku hurdaan Ummadda Soomaaliyeed isla markaana ciida iyo calanka Soomaaliya ka difaaca cadawga kusoo gardarooda.

Haddaba mid ka mid ah waxyaabaha aadka u qiimaha badan ee lagu xasuusto Allaha u naxariistee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi ayaa waxaa iiga sheekeeyey nin odey ah oo ka mid ahaa saraakiishii ugu horeysay ee lagu aas-aasey ciidanka xooga dalka waxuuna isagoo arintaas iiga waramayey uu igu yiri sidan:

”Adeer waxaa jirta intii uusan geeriyoon taliyaheenii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Allaha u naxariistee Jeneraal Daa’uud ayaa waxaa dhacday in mar uu ka guurayey guri uu deganaa ayaa rarida iyo dejinta taliyaha waxaa ka qeyb qaadanayey ciidan tiro koobnaa iyo gaadiid taliska ciidanka uu lahaa waxaana hawshu ay ku dhamaatey si wanaagsan,dabeedna markuu gurigisii uu tagey Jeneraal Daa’uud ayaa waxuu arkey alaab wada cusub oo aqalkiisii taalla markaasuu xaaskiisa weydiiyey meeyey alaabteennii waa maxay alaabtan cusub, ka dibna xaaskiisa ayaa ku tiri nin ii sheegay inuu qaybta maaliyadda ciidanka ka tirsan yahay ayaa alaabtan cusub soo iibiyey.

Subaxii ama Aroortii markii uu xafiiskiisa tagey Jenaraal Daa’uud ayuu u yeeray ninkii alaabta cusub geeyey gurigiisa waxuuna ku yiri ”yaa kuu amrey inaad aqalkeyga alaab cusub dhigto lacagta aad ku kharash gareyseyna sow maaha tii Ummadda soomaaliyeed canshuurta looga qaadey?”

Markaas ayuu ninkii ku jawaabey ”waa sidaa aad sheegtay taliye,” dabeedna Jenaraal Daa’uud ayaa waxuu ku yiri ”alaabta ku celi halkii aad kasoo iibisay ka dibna lacagta kusoo celi khasnada dawladda xilkii qaybta maaliyadda ciidankana waan kaa qaadey!”

Ugu dambeyntii ninka odeyga ee arintan iiga sheekeeyey waxuu qirey in Jenaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi uu ahaa nin ay jeclaayeen ciidamadii Soomaaliyeed, maadaama uu aad ugu dadaali jiray daryoolkooda iyadoo ciidamadu ay taliyahoodu u haayeen ixtiraam aad u weyn waxaana sidoo kale uu ahaa nin aad ugu naxariista dadka tabarta yar ama masaakiinta ah ee soo beegsada xeryaha ciidamada waxaana uu oran jirey

“Dadka masaakiinta ah ee xeryaha millatariga yimaada halla siiyo wax ay cunaan oo hala quudiyo”.

Waa iska xaal aduun iyo harka labadiisa geline Soomaaliya waxaa soo maray Allaha u naxariistee Jeneraal Daa’uud iyo rag la mid ahaa oo musuq maasuqa necbaa iyadoo maanta xaalku sidaas uu ka bedelan yahay waxaana musuq maasuqa uu yahay mid lagu faano,iyadoo qofkii madax laga dhigaba kuwa ugu sareeya iyo kuwa ugu hooseeyaba ay boobayaan xoolaha ummadda ka dhaxeeya.

Jenaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi Allaha u naxariistee waxuu Sannadkii 1925-kii ku dhashay Tuulada Mareeg ee dalka Soomaaliya, waxuuna Sannadkii 1965-kii isagoo 40 jir ah uu ku geeriyooday Magaalada Moscow ee dalka Ruushka halkaas oo lagu dawaynayey.

Fiiro Gaar ah: Markii uu geeriyoodey ka dib alaha u naxasiitee Jenaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi si uu u waaro magaciisu waxaa dawlada Soomaaliyeed ay ugu magac dartey koob dhinaca kubada cagta iyo koleyga ah oo ay ku baratamaan kooxaha heerka koowaad ee soomaaliya. waxaa sidoo kale loogu magac darey meel Qabuuro ah oo dadka lagu aaso, wadada Jen Daa’uud iyo weliba iskuulada ama dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Jenaraal Daa’uud oo dhamaantood ku yaala magaalada muqdisho.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Nuur M Colombo

Hadalsame Media