DHEGEYSO: SILAC & BALANBAL… Haween & carruur Soomaaliyeed oo ku duruufaysan dalka Liibiya

0

(Triboli) 31 Okt 2019 – Sanadkii 2018-ka, tirada dadka qaxootiga ah, ama dib u laabanaya, ama aan lahayn dal, iyo kuwa ku barakacay gudaha dalkooda ayay hay’adda qaxootiga ee UNHCR waxa ay ku sheegtay inay kor u dhaafeen ku dhowaad 71 milyan oo qof.

Sanadkii 2017-ka, ayay UNHCR waxa ay sheegtay in in kabadan labo milyan oo Soomaali ah ay ku barakaceen khilaaf soo taagnaa muddo ka badan 20 sano. Qiyaastii $1.5 qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, ku dhawaad 900,000na waa qaxooti kuwaasoo ay ku jiraan 308,700 ku sugan Kenya, 255,600 oo Yemen iyo 246,700 ka jooga Itoobiya.

Intii u dhexeysay 2014-2019, 125,455 qaxooti Soomaali ah ayaa si iskood ah ugu laabtey Soomaaliya iyagoo ka soo noqday 12 dal oo ay magan galyo u doonteen oo ay ka mid yihiin Kenya, Yemen, Djibouti, Libya, Tunisia iyo Eritrea. Hay’adda UNHCR ayaa dadkaasi ka caawisay dib ugu laabashada dalakooda.

Waxaa jira qaxooti aan tiradooda rasmiga ah la hayn oo ku sugan dalka Libay kuwaaso ay dhibaato ka haysato halkii ay afka aaddin lahaayeen oo ay uga bixi lahaayeen dalkaasi oo uu haaatan dagaal ka socdo.

Dhageyso Barnaamijkana Haweenka iyo Qoyska ookuk saabsan Qaxotiga Soomaalida ah ee ku go’doonsan Libya iyo duruufta ay ku nool yihiin.

Barnaamijka waxaa soo diyaarisay Caasho Ibrahim (Caasho Cuud).

Hadalsame Media