Saxaafadda xorta ihi maxay XEERISAA? (Arag sida ay u shaqayso midda Britain)

0

(Hadalsame) 28 Okt 2019 – Ma jirtaa caalamka saxaafad XOR ah boqolkiiba boqol? Su’aashan iyo doodaha ku gadaaman waa kuwo labaatankii sano ee ugu danbeysay aad looga hadal hayay jaamacadaha siyaasada iyo arimaha saxaafada wadamada galbeedka iyo dunida soo koreysa qaarkeed.

Ed Jones waxaa uu qoray bishii Abriil ee sanadkan 2019, maqaal uu cinwaan uga dhigay ”shan arimood oo ay saxaafadda Britian aanay dhexdhexaad ku noqon karin.”

Qodobadan waxaan ka xusi karaa labo ka mid ah:

1. Dadka maal-qabeenka ah ee leh saxaafada Britian oo go,aamiya ajandaha ay diirada saarayaan kaas oo iyaga ay dani ugu jirto.

2. Dhaqaalaha xayeeysiimaha oo ka soo gala shirkado iyo bangiyo waaweyn oo ay danahooda ilaaliyaan maadaama dhaqaalo ay siiyaan.

Sidoo kale saxaafada waxay ilaalo ka tahay danaha Britian iyada oo warka ka eegta dhanka ay hadba dalka dantiisu ku jirto ama gudbiya aragtida dowladda ee dhankaa ku socota.

Mareykanka oo xornimada hadalka ay ku jirto afar qodob oo saldhig u ah dastuurkiisa waxaa warbixinta ururka suxufiyiinta aan xuduuda laheyn ee sanadkan uu ka galay kaalinta 48 waxaana la sheegay in xornimada saxaafadu yaraaneyso.

Saxaafada mareykanka ka sukoow sida ay danta qaranka u ilaaliso hadana waxay afkaar ahaan kala taageersan yihiin xisbiyada.

Dagaalkii ciraaq CNN halka ay warka ka eegeyso iyo meesha Aljazeera ka fiirineysay farqi weyn ayaa ku dhaxeeya.

Majalada Inquiries journal ayaa qortay 1997 maqaal ay kaga hadleysay afrika iyo saxaafada galbeedka.

Maqaalka oo dheeraa waxaan ka xusi karaa in dadka reer galbeedka ee aan waligood afrika tagin ay ka aamisanyihiin sadax arimood:

Gaajo
Colaad
Nidaam xumo

Arrintan ayaa waxaa sabab u ah dhinaca xun ama taban ay saxaafadda galbeedku ka eegto Afrika.

Saxaafadda dunida sadaxaad ayaa aqoonyahanada qaar ku doodayaan in ay ku dawaqeen xornimada saxaafadda oo ay dalalkooda uga waramaan sida saxaafadda Galbeedka iyaga oo aan eegeyn danaha qarankooda halkaa uga dayacmaysa.

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media