Somalia & Jabuuti oo u ololaynaya inay ka hor yimaadaan arrin ay caadaysteen Itoobiya & Kenya (Olole ay wadaan)

0

(Addis Ababa) 27 Okt 2019 – Kenya iyo Ethiopia ayaa cadaadis ba’an wajahaya si ay uga haraan hoggaaminta IGAD oo ay isu baasbaasayeen 11-kii sanadood ee ugu dambeeyay.

Djibouti, oo doonaysa xilka Xoghayaha Guud ayaa labadan dal ku eedaysay inay kaligood isku koobeen xilka urur Goboleedkan, iyagoo inta badan go’aamada kaligood gaarayay, tiiyoo ay jirto inay IGAD ku wada jiraan 8 dal.

Djibouti ayaa aad uga horjeedda qorshe ay wadaan Kenya iyo Ethiopia kaasoo ah inay xilalka sare is waydaarsadaan, iyadoo ay Kenya Guddoonka doonayso, halka ay Itoobiya isu waddo xilka Xoghayaha Guud.

Ninka haatan haya xilka Xoghayaha Guud, Mahboub Maalim, oo Kenyan ah, ayaa lagu wadey inuu xilka banneeyo 2016-kii kaddib laba muddo xileed oo min 4 sanadood ah, isagoo la doortay Juun 2008, maadaama aan 11 sano la qabanin kulanka caadiga ah ee madaxda IGAD.

Ilo IGAD ku dhow ayaa sheegaya in Maxbuub uu diyaar u ahaa inuu tago, balse aan weli la isku raacin ciddii bedeli lahayd, Wasiir Dibadeedkii hore ee Itoobiya, Dr Workeneh Gebeyehu, ayaa se ka mid ah magacyada la xusay ee doonaya xilka Xoghayaha Guud —kaasoo ah xil ay sidoo kale Somalia doonayso — Balse Danjiraha Ethiopia ee Kenya, Meles Alem Tikea, ayaa The EastAfrican u sheegay in aanu weli jirin musharrax lagu wargeliyay.

Maadaama ay Kenya haysay xilka Xoghayaha Guud tan iyo 2008, waxaa xilka Guddoonka iyaduna iska haysatey Itoobiya, kaasoo ay iskaga dambeeyeen Meles Zenawi, Hailemariam Desalegn, iyo haatan oo uu hayo Dr Abiy Ahmed.

Guddoonka ayaa lagu wadey in Suudaan loo dhiibo 2016-kii, balse waxaa lagu marmarsooday in kaalmada laga goosan karo ururka maadaama Omar al-Bashir laga doonayay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah.

Djibouti iyo Somalia oo ay oo ay Kenya isku dhacsan yihiin, ayaa haatan si wada jir ah ugu ololaynaya sidii loo qaban lahaa kulan madaxeedka caadiga ah ee IGAD, si loo magacaabo dadkii qaban lahaa labada xil ee ugu sarreeya ururkaasi.

Kenya ayaa lagu wadaa in shirkaa lagu qabto dhamaadka bishan Oktoobar, iyadoo ay IGAD asaaseen Ethiopia, Kenya, Sudan, Somalia, Djibouti iyo Uganda sanadii 1986-kii, waxaana gadaal uga soo biiray South Sudan iyo Eritrea, balse wuxuu iska noqdan madal ay ku muraad qunsadaan Kenya iyo Itoobiya, taasoo ay iminka diiddan yihiin Somalia iyo Jabuuti.

Hadalsame Media