Talyaaniga oo meel muhim ah ka taageeraya DF Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 26 Okt 2019 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub ee Talyaaniga ayaa looga hadlay xoojinta xariirka qotada dheer, soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka uga mahad celiyay wax uu ku sheegay ”taageerada joogtada ah ee Talyaaniga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ku bixiyo horumarka dalka” oo ay qayb ka tahay qorshaha deynta looga cafinayo dalka.

Talyaaniga ayaa lagu wadaa inuu Somalia ka taageero dhinacyada amaanka iyo kaabayaasha, gaar ahaan, waxaa soconaya qorshe ay ku qalabaynayaan qaar ka tirsan Ciidamada Xoogga iyo kuwa Booliiska dhexe ee Somalia.

MadaxweyneMaxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa bishan Oktoobar 16, 2019-kii, warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Alberto Vecchi.

Lama sheegin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan wixii la isla soo qaaday.

Hadalsame Media