Booliiska oo gartay dalka ay kasoo jeedaan dadkii maydkooda laga helay konteennarka

0

(Essex) 24 Okt 2019Dhamaanba 39-kii qofood ee maydkooda laga helay gaari wayn oo marayay dalka UK, ayaa iminka noqday muwaadiniin u dhashay dalka Shiinaha, iyadoo ay haatan Booliiska Ingiriiska, Northern Ireland iyo Belgium ay ku howllan yihiin inay soo saaraan silsiladda dhacdadii keentay inay sidani timaado.

Waxaa sababay geerida dadkan oo kala ah 8 haween ah iyo 31 rag ah ayaan weli la caddayn, sida ay sheegeen Booliiska magaalada Essex.

Dhibbanayaasha ayaa laga soo saaray gaari wayn oo Scania ah iyagoo konteennar ka buuxa, goob wershadleey ah oo ku taalla  Grays, Essex, oo ah magaalo yar oo 20 mayl bari kaga beegan London.

Booliiska ayaa rumaysan in konteennarku uu kasoo shiraacday Belgium ee uu deeto England soo galay horraantii Arbacadii, halka gaariga sida la aaminsan yahay inuu kasoo qaaday  Northern Ireland.

Dacwad oogaha Federaalka ah ee Belgium, Eric van der Sypt, ayaa CNN u sheegay inay si rasmi ah u fureen baaris arrintan la xiriirta.

Hadalsame Media